HAWEENKA MACALLIMIINTA SOMALILAND WAA BARAYAAL,BARAFAYSARO IYO HOOYOOYIN INTABA

"Maqaalkani wuxuu ka yimmi Abdifataah wuxuuna ku socdaa Macallimad kasta oo wax i soo bartey" 

“inta badan goobaha waxbarashadda somaliland cidda joogta ee wax dhiggeysa waa barayaal iyo macallimiin ragg ah 80%,waana mida sababtey in aan dumar macallimiin ah la isba weydiinba amma ama lagaba fekirin”.hase ahaate waxa mid kasta khibradiisa iyo waayihiisa waxbarasho ku duugan in si uun wakhtiyo kala duwan macallimiin haween ahi ay wax u soo dhiggeen”.Dumar badan oo wax dhiggaa waa Barafaysaro,hooyooyin iyo daryeele jidhka iyo  ruuxda ardeyga intaba. 

intii aan wax baranaayey waxaan soo helay waayo aragnimada iyo khibrada la xidhiidha in hablo/haween iyo hooyooyin wax ku soo dhiggaan,Wakhtigii Dugsiga sarre waxa aan ka soo heli karaa hal maamo dugsiga qiimo weyn u laheyd,Markii aan Jaamacadda billaabeyna waxa sannadkii kowaad wax i dhigtey islaan khabiir aheyd oo arrimaha dhaqaalaha takhasus u laheyd,wax dhiggidooda waxaad ka dareemaysaa hooyanimo,haweenimo iyo macallinimo intaba,sidoo kale Intaan ku Jirey sannadihii waxbarashadda Heerka labaad ee Masterska waxa aan la kulmey koorasyo badan oo haween loo soo dhiibey si ay u bixiyaan,waxaana ugu danbeysey gabadh kenyaati aheyd oo jaamacadda hargeisa ay sannadii 2017 nairobi ka dalbadeen si ay kooras Cilmi-baadhis ah noo siiso. 

Dad badan oo aan xitaa hooyooyinkood arag oo ay ka dhimmeen ayaa ku farxaaya in hooyo oo kale wax u dhiggeyso amma u soo dhiggtey,waxa ay ku siineysaa jaceylka hooyanimo taasi oo sababeysa in naxariis badan aad xiisadeeda ka barato,waxaana aad ilaaweysaa dhibaatada badan ee ku jirta in wax la barto amma xiisaddeeda.macallimiintaasi haweenka ahi waa kuwo sidoo kale  soo mara marxalado badan  iyo duruufo adag sida ragga oo kale inta ay wax barayaan ardeyda iyo ubbadkooda kala duwan ee isgoolada ku jira,iyada oo shaqada ay ku jiraan ay u dheer tahay hooyanimo iyo in ay awlaad heysato. 

“Haweenka inta badan wax dhigaa waxa ay caan ku yihiin luqadaha iyo xisaabta,inkasta oo la heli karo kuwo takhasus sarre sameeya oo buuxin kara kaalmaha sarre ee ragga uun loo xusho,Hablaha saaxada macallinimada Jaamacadda hargeisa ku cussub amma immanaaya oo soo kordhaaya kaalintooda iyo tiraddoodaba waa la soo dareemayaa” 

In aad uga nuglaato sidda hooyada markaad aragto macallimadaadi ayey kugu abuureysaa,taasi oo keentay in inta ay isgoolka joogaan amma wax dhiggayaan loogu yeedho”maama”in ka badan inta macallin ragg ahi ku farxi karo ardey soo baxdey ayey haweenka macallimiinta ahi ku farxaan in ay arkaan ardeydii ay wax soo bareen oo guuleystey.fursado lagula kulmo amma lagu booqdo guryahooda

in badan aan xasuusano,in kasta oo dhiig iyo qolo aynaan wadaagin macallimiintaas haddana waxa ay inoogu jiraan oo ay inoogu qoran yihiin meel sarre oo qalbiyadeena ah .in badan ardeydiini wey idin xiisi doontaa idina soo duceyn doonnaan.Inta Buktana Caafimaad,inta Gabowdey ee shaqooyinka laga ruqseeyeyna inta ay dunnida neefsan doonnaan hawadooda ugu danbeysa cibaado suuban.Maalinta Haweenka iyo Maalmaha kaleba waa idin ognahay aqoontaad na soo barteen.Inta Dhimateyna Akhiro soo dhaweyn sarre ayaan u rajeyneynaa. 

Asxaabta kala duwan ee Fariimaha iigu reebay Degelkeyga Fbga kuwaasi oo ku xusey Haweenkii wax soo barey ugu danbeyn iyagana waan u mahad-naqayaa. 

 

Abdifataah M.Ahmed 

Ceelaabe_10@hotmail.com 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker