Sacuudi Carabiya oo maanta qaaday tallaabo taariikhi ah oo ku wajahan ISRAEL
Sacuudi Carabiya ayaa maanta qaaday dhammaan xayiraadihii saarnaa isticmaalka hawadeeda, taasi oo u muuqata iny tahay astaan ay ku wanaajineyso Israel kahor booqashada madaxweynaha Mareykanka oo halkaas tegaya maanta.
Madaxweyne Joe Biden ayaa soo dhoweeyey “go’aankan taariikhiga ah” oo ah tallaabadii ugu dambeysay ee wanaajin oo Riyadh ay u qaado dalka Yahuudda.
Maamulka Duulimaadyada Rayidka ee Sacuudiga “ayaa ku dhowaaqday in hawada Sacuudiga ay u furan tahay diyaarad kasta oo kasoo baxda shuruudaha isticmaalka hawada,” ayaa lagu yiri bayaan lasoo dhigay twitter-ka
Go’aankan ayaa la qaaday “si loo kordhiyo dadaallada boqortooyada ay ku xoojineyso booskeeda ah inay tahay marin isku xira saddex qaaradood.”
“Go’aankan wuxuu ka dhashay diblomaasiyadda joogtada ah ee madaxweynaha ee ku wajahan Sacuudiga oo muddo bilo ah laga shaqeynayo taasi oo miro dhalkeeda uu noqday booqashada maanta,” waxaa sidaas yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.
Ka hor booqashada Biden ee Bariga Dhexe oo uu Arbacadii ka billaabay Israel, Washington ayaa tusmeysay inay dalal kale oo Carab ah ay qaadi karaan tallaabooyin ay xiriir kula sameysanayaan Israel.