Dhaqan-xumooyinka Macalimiinta Shisheeye Ee Ka Hawlgala Jaamacadaha Iyo Dugsiyada Hargaysa
Tan iyo intii ay Soomaalilaan si buuxda uga hirgashay nabadda lagu naaloonayaa waxa dalka ku soo butaacay macallimiin shisheeye oo qaarkood iskood dalka u yimid, halka kuwa kalena ay keensadeen goobaha waxbarashadda dalku. Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay ayey u badan yihiin kuwa ay wax ka dhiga macallimiintaa shisheeye. Mar kasta oo ay inoo yimaadaan dad inaga dhaqan iyo diin duwani, waa mar kasta oo ay inoola yimaadaan dhaqan xumo oo iyaga caadi la ah, marka dhaqankooda la eego. Way dhici kartaa in qaar ka mid ahi ay yihiin Muslimiin, halka in kale oo badani ay yihiin Kiristaan. Haddaba dalalka ay macallimiintaasi inagaga yimaadeen waxa ka jira dhaqan xumooyin fara badan oo qaarkood ay warbaahinta caalamku aad uga faallootay, kuwaasina ay dhici karto inay la yimaadaan kuwan dalkeena joogaa. Weli ma hayno waxa soo shaac-baxay, wax qarsoon mooyaane. Dhacdooyinka lagu soo qaatay Barnaamijyo ka baxay warbaahinta adduunka la hadasha ayeynu dul is-taagi doonaa, si loogu baraarugsanado:
= Barnaamij ka baxay Tilifiishanka BBC-da qaybta adduunka la hadasha oo la yidhaa ‘BBC AFRIC EYE’, oo la baahiyey bishii tobnaad ee sannadkii 2019 ayaa lagu soo qaatay qaabka ay macallimiinta jaamacadaha dalal afrika ku yaalaan qaarkood ay habhlaha ardayda uga dalbadaan galmo si uga helaan dhibco wanaagsan oo aad u sarreya (Sex for Grades). Barnaamijku wuxuu toos farta ugu fiiqayaa isaga baadhitaan xaqiiqo ku dhisan soo bandhigaya laba jaamacadooda oo kala ah: University of Ghana iyo University of Lagos, waxaanu soconayaa 53 daqiiqo iyo 51 ilbidhiqsi. Markii uu hawada galay barnaamijku waxa ka soo noqday fal-celin qayral xad ah oo adduunka oo dhan ka timid. Labadaa jaamacadood ayaa isla markiiba shaqada ka caydhisay laba ka mid ah Baroofosaarada, si ay u soo celeshadaan sumcad xumada uu u soo jiiday barnaamijka xaqiiqada ku dhisan ee fashilyey wixii ka socday gudaha jaamacadaha.
= Daraasad ay iska kaashadeen jaamacadda Kenyatta University iyo Journal of international cooperation in Education, Vol.12 No. 1 (2009) pp. 177-192. Waxa ay si cilmiyeysan u soo bandhigayaan 1171 hablood oo dhiganayey dugsiyada dhexe iyo sare ee dalka Kiiniya ay la kulmeen dalab ah inay macallimiintoodii u soo bandhigeen inay u galmoodaan si u siiyaan dhibco wanaagsan oo ay waalidiintood kaga helaan abaalmarino qaali ah. Qaarkood way diideen, kuwa kalena way yeeleen. Waxyaabaha kale ee yaabka leh ee warbixinta ku jira waxa ka mid ah inay hablahaasi ugu tegi jireen guryaha ay degan yihiin macalimiintu ama hudheellada, halkaasina uu ka dhici jiray heshiiska iyo dhaqan xumadu. Faahfaahinta halkan ka eeg. https://cice.hiroshima-u.ac.jp/wp-content/uploads/2014/03/12-1-12.pdf.
= Jaamacadda ‘ Wolaita Sodo University’ oo ku taalla koonfurta dalka Itoobiya ayaa iyana laga sameeyey daraasad sannadkii 2015, oo lagu sheegay in 462 hablood oo ah ardayda jaamacadaasi dhigan jiray ayaa wax laga weydiiyey dhaqamadii ay kala kulmeen macalimiintooda mudadii ay jaamacadda ku jireen. 45.6% ayaa sheegay in macalimiintooda kala kulmeen dalab galmo dhibco ku beddelesho ah. https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC5525286/.
Haddaba waxa Soomaalilaan u dheer in macalimiinta shisheeye ay qaarkood guryaha ugu dhigaan carruurta dugsiyada dhigata, taasina ay u baahan tahay fiiro gaar ah, maadaama oo ay macalimiintu ahayd kuwa haysta dhaqanka iyo diinta dalka lagaga dhaqmo. Ugu dambeyntii waxa aynu ku jirnaa wakhti aanay waalidiintu gacanta ku haynin carruurtada oo ay kala wareegtay Tiknoolajiyadu, markaa waa in si dhaw loola socdaa dhaqamada ay soo kordhinayaan macallimiintaa shisheeye. Macalimiinta shisheeye qaarkood waxa ay guryo ka kiraystaan xaafadaha Hargaysa meelo ka mid ah. dadka guryaha ka kiraynaya iyo kuwaa jaarka la ahiba ay aad ugu fiirsadan waxa ka socda guryahaasi, oo haddii ay ku arkaan wax dhaqanka iyo diinta ka baxsan ay soo gaadhsiiyaan wasaaradda diinta iyo awqaafta.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com