Dawlada Somaliland oo joojisay Dalku Galkii ay Siin jirtay Dadka Dalkeed kaga Imanaya Ethipia
Somaliland ayaa si ku meel gaadh ah u joojisay bixintii dal ku galka la siin jirey dadka ka imanaya Itoobiya ee Somaliland iman jirey.
Go,aankan waxa shaaciyay Safiir Xigeenka Somaliland ku leedahay Addis Ababa Mr Barkhad Kaariye, waxaanay talaabadani ka dambaysay ka dib markii kiiskii Cudurka Coranna Virus Uu Si rasmi ah U soo gaadhay Dalka Itoobiya, taas Somaliland ay Ka Cabsatay inuu U Tallaabo Dalkeeda.
“Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa”.ayuu yidhi Barkhad Kaariye.
Dalka Itoobiya ayaa maanta la sheegay in qofkii ugu horeeyey ee qaba cudurkan Corona Virus laga helay waddankeeda, halka sidoo kale laga helay dalka Kenya.