Hay’adaha Maraykanka Oo Xidhiidh Toos Ah La Samaynaya Taiwan

Maraykanku wuxuu sanado kadib xayiraado badan ka qaadayaa jasiiradda Taywan, sida uu sheegay xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanku.

Dhammaan hay’adaha Maraykanka ayaa loo fasaxayaa in ay xidhiidh toos ah iyo wada shaqayn la yeelayn karaan hay’adaha dhigooda ah ee Taiwan.

Waa tallaabo mar kale ka cadhaysiinaysa dalweynaha Shiinaha oo sheegta jasiiradan, balse aan maamulin.
Washigton waxay go’aankan ku dhawaaqday xili Trump ay maalmo kooban uga hadheen xafiiska, isla markaana aan la ogayn siyaasadaha maamulka xiga ee Joe Biden.

Dawladda Taywan waxay si diiran usoo dhawaysay go’aanka dawladda Maraykanka.

“Sanado go’doon ah ayaa la qaaday, waxay u tahay maalin wayn xidhiidhkeena laba geesoodka ah” ayay tidhi danjiraha Taywan u fadhida Washington.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Taiwan ayaa sidoo kale soo dhawayay warkan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker