14 Dekeddood Oo Ay Somaliland Yeelanayso Iyo Xeerka Haayadda Dekeddaha Oo La Aasaasayo.
Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa loo qaybiyey Xeerka Dekeddaha Somaliland, kaas oo ay ka dooddi doonaan Xildhibaannadu maalmaha soo socda.
Xildhibaan Obsiiye oo ka mid ah Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa golaha warbixin ka siiyey Xeerkan, isaga oo xusay in uu aasaasayo Hay’adda Dekeddaha Somaliland, oo ka kooban 9 xubnood oo Madaxweynuhu magacaabi doono.
Sidoo kale Xeerkan ayaa lagu xusay in ay Somaliland yeelan doono 11- Dekeddood oo taxan Saylac Illaa Ceelaayo inta u dhaxaysa.
Dekeddahan, ayaa waxa ay noqon doonaan Deegaannada Xeebta ku taalla ee Saylac, Lughaya, Bulaxaar, Berbera, Ceel-daraad, Karin, Conqor, Ruguuda, Shalacow, Xiis, Maydh, Carsho, Laasqoray Iyo Ceelaayo.