Madaxweyne Trump Oo Laga Mamnuucay isticmaalka Twitter-ka
Donald Trump ayaa laga mamnuucay isticmaalka Twitter-ka kaddib markii uu qoraal u soo qoray taageerayaashiisa weeraray dhismaha US Capitol.
Twitter-ka ayaa sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro saddex qoraal oo uu soo dhigay, kuwaasoo sida uu sheegay meel ka dhac ku ahaa shuruucda iyo siyaasadda shirkadda.
Shikradda ayaa sheegtay in akoonka madaxweynaha uu sii xirnaan doono haddii aanan laga tirin qoraalladaas.
Waxay tan ka dhigan tahay inay soo dhammaanayaan maalmaha Donald Trump ee isticmaalka Twitter-ka. Madaxweynaha laguma yaqaanno inuu dheg u dhigo shuruucda Twitter-ka.