UK , Ethiopia iyo Beesha Calamka waxa aanu ka codsaneynaa in Dib u eegis iyo Qaadis lagu Sameeyo Xadka Qadiyey ee Qaybiyey Qoomiyada Gadabuursi !!By Dr.Khadar-Libaaxley.

Markhaati iyo Dhageystayaal fiican kama sii noqon karno ( Raamsiga, dharaga iyo tookha Madaxnimo ee Jigjiga, Djabuuti iyo Hargaisa )
Siyaasadu waa geedka nolosha oo dhami ka farcanto hadey tahay horumarka bulshada, dhaqaalaha, difaaca iyo aqoonta laamaheeda kala duwan.
Marka la barbar dhigo Qoomiyadahada kale ee haysta Madaxnimada Jigjiga, Djabuuti iyo Hargaisa , Qoomiyada Gadabuursi ee Deegaanka ku ah wadamada Djabuuti , jigjiga iyo Hargaisa intaba midna kama muuqdaan Saameyn Siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ah furayaasha nolosha qaybaheedu hoos hadhsato.
Darajada ugu sareysa ee Gadabuursi haystaa waa Ku Xigeen Madaxweyne iyo Wakiilo oo Dustuurku gacmaha ka xidhay , hawl madaxda ka sareysaa u igmato mooyee aan wax kale buuga xil guda-shada ugu oolin ; marka ay noqoto Dawlad iyo haybadeed iyo magaca taariikhda dawlada galaya ee hadiyo jeer dawlada hal-qabsi xasuuseed u noqonayaa waa kan madaxweynaha .
Waxa soo raaca xubno tiro yar oo wasiiro ah balse aad iyo aad u habrasho badan marka ay noqoto wax-tarka dadka iyo deegaanka ay matalaan sababtuna tahay habrasho ay ka habranayaan cida magacaabeysa iyaga oo u badan madaxweynayaal aaney isku hayb aheyn oo wax saarkeeda leh iyo dadweynaha Hargaisa oo had iyo jeer tan iyo waligeed ba ka dukaansan jiray fursadaha yaala xafiisyada wasiirada gadabuursiga luf-luf iyo feenashaba ha ahaatee; sii socoshada arintaasina ma’aha mid sii wadi karta masiirka iyo mustaqbalka qoomiyadaasi gadabuursi.
Dhalinyarada gadabuursi waxa ay caayaan, canaantaan , quus iyo niyad jabna ka joogaan madaxdooda siyaasada iyo dhaqanka ; balse xaqiiqada iyo waaqaca dhabta ah uu ka sal balaadhanyahay inta aad moodaysaan dhibta ugu weyn ee jirtaa waa saameynta uu ka tagey ( Xadka 3 Dal u Qaybiyey Qoomiyada Gadabuursiga , waa Hargaisa, jigjiga iyo Djabuuti ) .
Dhalinyarooy Xadka Borama dulmaraa waa caqabada ugu weyn ee haysata gadabuursiga 3 dan caasimadood ee talladoodu hoos timaado, waayo Dawladnimada iyo maamulada caasimadahani 50 kii sanno ee ina dhaafay illaa maanta waxa ay tahli kari waayeen in ay soo dhaafaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ba 90% korinta iyo dhisida bulshooyinka ehelka dhow u ah caasimadahaasi , isla markaasna ka dhigay dheeftii iyo Dheecaankii Dawladnimo la hayd 90% kuwo ku dul Burura oo sida dhibicda roobka ugu dul Da’ Dadka iyo Deegaanka Caasimadahan Hayb-raaca u ah , Arintaasi ma’aha mid ka turjumaysa masiirka iyo mustaqbalka Qoomiyada Gadabuursiga ee ku daba fayla tallada taalla 3 dan caasimadood mana ah kuwo dabooli kara tabashooyin kooda, haday Dabooli karayaana uma muuqdaan kuwo u hagar bixi kara tabashooyinka dhan walba leh ee goor iyo ayaan la joogaba ka dhex oogan Qoomiyadatan talladu ka baahday; Xaqiiqadan aan sheegayo waxa Daliil u ah Muuqasho La’aanta Qoomiyada Gadabuursi dhaqaale ahaan , siyaasad ahaa iyo saameyn bulsho ahaan ba ee 3 Dan Caasimadood;
1.) Dhanka siyaasada waa rag uu dastuur xayiray iyo in habraneysa.
2. ) Dhanka dhaqaalaha malaha ganacsade caan baxay oo gayiga laga yaqaano aan aheyn qofaf wakiilo u ah Ganacsatada Qoomiyadaha kale ee ay dhiseen nidaamyada iyo maamulada caasimadaha Djabuuti, Jigjiga iyo Hargaisa ee tallada Qoomiyada Gadabuursigu hoos tagto; waxa waxaasi oo dhami ku dhaceen waa tallo aan looga ariminaynin gurigooda iyo hagar-daamada uu ku hayo xadka Qaybiyey Qoomiyada ee Borama dul-mara.

Xalka Saxda ah :
1.) Waxa uu yahay in xadka qaybiyey ee qadiyey qoomiyadan gadabuursi dib u eegis iyo wax iska weydiin loo dhanyahay laga yeesho, iyada oo marka lagu qanco in uu caqabad buuxda yahay , Danta qoomiyadana aanu nasteex u aheyn loo baahanyahay in laga tashado si wada jir ah sida ugu macquulsan ee loo qaadi karo xadkan iyada oo lala kaashanayo Dawladaha uu khuseeyo.
2.) Waxa la yidhi ( Marka weylaha la arko ayaa Lo’da La Maalaa !!) Qoomiyadani Gadabuursi waxa ay baahi weyn u qabtaa in looga talliyo gurigooda dhexdiisa oo aan looga tallinin Caasimad aaney Deegaan u aheyn isla markaana ku habraneyn Cid kasta oo iyaga siyaasad ahaan Mataleysa ; waayo sida dabeeciga ah ODAY kastaa Qoyskiisa GURIGIISA ayuu uga dhex TALLIYAA ee Guri kale ugama TALLIYO.
3.) Dawladaha UK & Ethiopia waxa aanu si xushmad iyo qadarin leh uga codsaneynaa idin kuna garab taaganahay in Dib u eegis , wax kabadal iyo Qaadis lagu sameeyo Xadka Qaybiyey ee Qadiyey Qoomiyada Gadabuursi.

Fiiro gaara: arintani ma’aha u jeedo hoose oo aan ku maagayo madaxweyne ku xigeenka hada tallada haya , xaasha Lilaahi sharaf iyo qadarin qofeed ayuu iga mudanyahay balse xaqiiqada godka aan ka hadlayaa waa mid jirta oo khuseysa qof kasta oo siyaasada u matalaya oo imanaya dhanka qoomiyada gadabuursiga horey iyo imikaba.

Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

4/5/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker