MAXAA FAQRIGA IYO SABOOL NIMADA INOOGU WACAN? MAXAA DIB U DHACA IYO DHAQAALE XUMADA INOO WACAN?

MAXAA INAGA QALDAN?
DADKA DUNIDA KUNOOL  MIYAYNU KA LIIDANAA?
DADKA DUNIDA KU NOOL , MIYAYNU KA NACASAYSAN NAHAY ?
MAXAA DIB U DHACA IYO FAQRIGA IYO SABOOL NIMADA INOOGU WACAN?
MAXAA DHAQAALE XUMADA INOOGU WACAN ? IYO NOLOL XUMADA ?
MAXAA UGU WACAN? IYO IN AYNU BEESHA CAALAMKA KA DANBEYNO?
MAXAA U SABAB AH ? DHIBAATOOYINKEENA OO DHAN?
MAXAA KEENAY?
MAXAA INAGA QALDAN?
XAGGEY WAX KA SOCON LA, YIHIIN?
XAGGEE WAX LAGA SIXI KARAA?
XAGGEE LAGA BILAABI KARAA?
SIDEE LOO BILAABI KARAA?
MIYAYNU KA CAQLI XUNAHA DADKA REER GALBEEDKA KU NOOL AMA ASIA?
MAXAA HORUMARKA AY GAADHEEN OO KALE INOO DIIDAY INAGA?
MAXAA INAGA HORTAAGAN ?
WAXA LA YIDHAAHDAA HADDII AY DALKA KA JIRTO NIDAAM DIMUQRAADIYA AHI IYO  DOORASHOOYIN IYO AXSAAB  SIYAASADEED IYO SAXAAFAD XOR AH IYO XORIYAD IYO GARSOOR MADAX BANAAN IYO IN LA IXTIRAAMO XUQUUQAL INSAANKA  OO LA ILAALIYO
DALKAASU HORUMAR BUU GAADHAA
KABACDINA WAXAAN ISWEYDIIYAY :
INTAASUBA MIYAANAY KA JIRIN SOMALILAND ?
WAXAAN OGAADAY INTAASUBA IN AANAY KA JIRIN OO AANAY SI DHAB AH UGA JIRIN SOMALILAND ,EE AY MAGAC AHAAN U JIRAAN  , OO AY METELAYAAN  {MAGAC UYAAL AY YIHIIN} OO AANAY WAXBA  KA DHAB AHAYN.
MARKAAS WAXAAN OGAADAY IN UU JIRO NIDAAM WAXAAS OO DHAN KA XOOG WEYN OO AY WAXAN OO DHAMMI KU WADA AROORAAN  OO SALDIG U AH .
WAA NIDAAMKA QABYAALADDA , NIDAAMKAN OO LAGU MAAMULO DIMUQRAADIYADDA IYO DOORASHOOYINKA IYO AXSAABTA IYO SAXAAFADDA IYO GARSOORKA IYO WAX KASTABA .
LAAKIIN WAX KA JIRAA NIDAAMKAN OO DHAN , AANAY JIRIN , OO AY QABYAALADA WAX KASTA LAGU MAAMULO ,
WAXBA KAMA JIRAAN MABAA DIIDAN IYO QIYAMKAN IYO MAGACYADAN QURUXDA BADAN ,
 LAAKIIN WAA WADA MAGAC  U YAAL DHAMAANTOOD.
DALKA SOMALIYANA ARINKIISA ISKA DHAAF OO HABA KA HADLIN , IYAGU NABAD GELYO IYO XASILOONI MIDNA MA HAYSTAAN , OO QABYAALADDU MEEL XUN BAY KA TAAGAN TAHAY IYO IS AAMIN DARADU , ARINKOODA LAGAMA WARAMI KARO , WAA WADA GUUL DARO, DHINAC KASTA .
DAWLADNIMO IYO NIDAAM IYO MAAMUL MIDNA KAMA JIRO.
HADABA SIDAYNU DHIBAATOOYINKAN IYO FAQRIGAN IYO SABOOL NIMADAN KAGA BIXI KARNAA?
WAXA HUBAAL AH IN AYNAAN HELIN ILAA MAALINKAA MAANTA AH , INDHEER GARAD AMA HOGAAN SIYAASADEED OO LEH ARAGTI SIYAASADEED IYO BARNAAMIJ SIYAASADEED OO WAX QABAD IYO XAL RAADIS WADA .
WAXA HUBAAL AH INAYNAAN WELI HELIN QOF QUDHA OO MADAX AH OO DALKA SOO MARAY AMA KUWA IMINKA JOOGA OO ARAGTI SIYAASADEED LEH .
DHAMAANTOOD WAXAY U BAAHAN YIHIIN , CID U SHEEGTA BAAHIDA SHACABKA IYO DALKU WAXA UU U BAAHAN YAHAY ,
WAXAY U BAAHAN YIHIIN CID U TARJUMTA BAAHIDA DALKA IYO DADKA ,
WAXAAD MOODAYSAA MADAXDA DALKA IN AY YIHIIN QAAR QAARAD KALE KA YIMID OO AAN DALKA IYO DADKA TOONA WAR U HAYNIN , IYO BAAHIYAHA DADKA IYO DALKA .
WAXAAD MOODAA MADAXDA DALKA , KUWII SOO MARAY IYO KUWA JOOGA MAANTABA , IN AY YIHIIN DAD INDHO LA. OO AAN WAXBA ARKAYN , OO AAN BAAHIYAHA DADKA IYO DALKABA WAR KA HAYN , ARKAYNINA
WAXAA MADAX KA NOQDA DAD NAFTOODA UUN KA FEKERA OO AAN DAN KA LAHAYN DADKA IYO DALKA TOONA.
OO IYAGU UUN KA FEKERA SIDII AY WAX U BOOBI LAHAAYEN AMA WAX U URURSAN LAHAAYEEN  IYAGA IYO QARAABADOODA .
WAANAY KA WADA SIMAN YIHIIN INDHO LA AANTA IYO DHACA IYO BOOBKA IYO DHAQAALE URURISKA IYO MUSUQ MAASUQA IYO HANTI BOOBKA IYO KU TAGRI FALKA HANTIDA DALKA IYO DADKA .
 KUWA MAAMULKA DIBEDA KA JOOGA LAFTOODU HADAY FURSAD HELAAN , WAXAY SAMAYNAYAAN , WAXA AY KUWA AY DHALIILAYAAN AY IMINKA SAMAYNAYAAN ,
KUWA MUCAARIDKA SHEEGANAYA LAFTOODU MA DHAAMAAN KUWA IMINKA DALKA MADAXDA KA AH EE KA TALIYA .
WAA BULSHO IYO SHICIB DHAN IYO MADAX DHAN OO ISWADA DHAAMIN
HADDII AAD TALO U SOO JEEDISO WAXAY KUUGU JAWAABAYAAN
ADIGU MA DIBEDA AYAAD KA TIMI , ANAGU WELI WAXAANU NAHAY DAK CURDIN AH OO WELI MAANU GAADHIN WAXYAABAHA AAD KA HADLAYSO .
WAA DAD AAN ISWADA DHAAMIN . OO HADDII AAD KU TIDHAAHDO
MAXAAD KUDAAFADDA IYO QASHINKA ISAGA BASRIN WAYDAY EE AAD GURIGAAGA HORTIISA UGU DAADINAYSAA
WAXAY KUUGU JAWAABAYAAN DAWLADU WAX HA KA QABATO .
WAA DAD AAN DAN KA WADA LAHAYN DANTA GUUD OO AAN XIL KA SAARNAYN WAXBA .
HADABA SIDEE LOOGA BAXAYAA KOL HADDII AANAY JIRIN CID DAN KA LEH DANTA GUUD EE DALKA IYO DADKA ?
WAXA DHIBAATOOYINKAN OO DHAN LAGAG BIXI KARAA HOGAAN SIYAASADEED OO DADKA KA CAQLI BADAN OO DAACAD U AH DALKA IYO DADKA OO XIL ISKA SAARA IN UU DALKA IYO DADKA HORUMAR GAADHSIIYO .
WAXA DALALKOODA FAQRIGII KA SAARAY ERDOOGAAN { TURKIGA} IYO MAXAMED MAHAATIIR { MAALIISIYA} IYO MADAXDII DALKA INDIYA IYO MADAXDII DALKA CHINA IYO MADAX KALE OO DALKOODII FAQRIGII KA SAARAY IYO SABOOL NIMADII ,MARKII AY LA YIMAADEEN ARAGTI IYO BARNAAMIJ WAX QABAD LEH OO AY DALALKOODII IYO DADKOODII AY DHIBAATOOYINKII FARAHA BADNAA EE HAYSTAY AY XAL U WADA HELEEN OO AY HORUMAR IYO NOLOL FIICAN U HORSEEDEEN
HADABA BAL WAXAAD ISWEYDIISAA . MAXAY DADKEENA TAGA DALALKA REER GALBEEDKA IYO DALALKA HORUU MARAY DADKEENA ULA QABSADAAN KOLKA AY TAGAAN?
 WAXA KA JIRA DALALKAA DADKEENU AY TAGAAN HORUMAR IYO ARAGTI SIYAASADEED IYO BARNAAMIJ SIYAASADEED IYO HOGAAN SIYAASADEEOO QORSHE CAD OO WAX QABAD KU SOCDA .
IYAGUNA QORSHAHAAS IYO BARNAAMIJKAAS SIYAASDEED EE DHAQAALE IYO ARAGTIDAAS AYAY RAACAAN IYO NIDAAMKA HALKAAS KA JIRA .
HADABA WAXA HUBAAL AH IN AYNAAN KA BAXAYN FAQRIGA IYO SABOOL NIMADA IYO DHIBAATOOYINKA IYO NOLOL XUMADA INTA AYNU KA HELAYNO HOGAAN SIYAASADEED OO LEH BARNAAMIJ SIYAASADEED IYO ARAGTI SIYAASADEED IYO QORSHE WAX QABAD LEH OO DAACAD U AH DALKA IYO DADKIISA .
WAXAYNU U BAAHANAHAY GOHAAN GARAAD SIYAASADEED LEH OO DALKA IYO DADKA WADA ARKA IYO DALKABA .
KAASUNA WELI MA MUUQDO , MANA   JIRO ILAA IMINKA , MANA HEYNO ILAA IMINKA /
CALI MAXAMED BIIXI
caliweli@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker