Xildhinaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulan Muhiima leh

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo isniin ah ay yeeshaan kulankoodii cadiga ahaa, iyaga oo uga hadldi doonaan qodomo muhiim ah.

 

Xildhibaannada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in uu jiro kulan weynaha Baarlamaanka, isla markaana Ahandaha kulanka maanta uu yahay Akhrinta 2aad ee Qoondada Miisaaniyadda 2021.

 

 

Xalay waxaa Xildhibaannada lagu wargeliyay in uu Maanta jiro kulan weynaha Golaha Shacabka, waxana guddoonka Golaha ay ugu baaqeen Xildhibaannada inay soo xaadiraan oo ay waqtiga ilaaliyaan.

 

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudada xilheyntooda uu shalay ku ekaa, hayeeshee ay sii joogayaan ilaa iyo inta Baarlamaanka cuusb laga dooranayo, waxana weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo u baahan inay meel mariyaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker