Injineero Turkish ah, askar iyo Dad kale oo ku dhintay Qaraxii Ex-Koontarool Afgooye ee Saaka

Muqdisho (OWN) – Waxaa weli isa soo Taraya Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxii ismiimaadiinta ahaa ee saaka Aroortii hore ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa oo Loo adeegsaday gaadhi nooca Raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, siday Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

 

Dadka dhintay  waxaa ka mid ah labo Injineer oo Turki ah iyo Saddex Askari oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo la socday gaadhi nooca aan xabada karin oo marayey halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedka weerarka uu ahaa iyagu, waxaana sidoo kale meesha ka agdhow xarun canshuuraha looga qaado gaadiidka isaga kala goosha waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

 

Sidoo kale waxaa la Xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Khasaaraha ugu badan ayaa waxaa uu soo gaaray dad shacab ahaa oo isugu jiray arday jaamacadeed oo la socdau gaari Bus- ah iyo kuwa kale oo la kulmay qaraxaasi.

Weli saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya kama hadlin qaraxaan, waxaana goobta ku sugan ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Booliska.

 

Tan iyo markii la bilaabay dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye waxaa waddadaan ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday Injineerada dhisaya waxaana sheegatay kooxda Al-Shabaab oo marar isku dayday inay is hortaagto dhismaha jidkaas

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker