5-Ta Qaybood Ee Ugu Muhiimsan Taariikhda Islaamka: W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
Xiligii Rasuulkeena سيره نبويهMuxamed N.N.K.H Oo Ka Bilaabmaya Markii Nabiga Lasoo Direy Ilaayo 11-kii hijriyada Waana Taariikh Iyo Muddo Ku Siman 23sano Waana Mudadii Waxyigii Ilaahay Soo Degayey.
Xiliga Labaad Ee Taariikhda Islaamka Muhiimka Ah Waa Xiligii Ka Bilaabmayey 11-kii Hijriyada Ilaa 41 Hijriyada Waana Waqtigii Khulafadii Afarta Ahaa Ee Hanuunka Badnaa “ Abubakar Sadiiq, Cumar Binu Khadaab, Cismaan Binu Cafaan, Iyo Cali Ibnu Abii Daalib”.
Taariikhdan Waxay Xaqiijinaysaa Xadiiskii Nabigeena Muxamed Ee Ahaa “الخلافه بعدي ثلاثون سنه ثم تكون ملكه Khilaafadu Aniga Dabaday Waa 30sano Kadib Waxay Noqon Doontaa Boqortooyo”
Xiliga 3aad Ee Taariikhda Islaamka Muhiimka Ahaa Waa Xiligii “Dawladii Umawiyiinta” Oo Ka Bilaabmayey 41 Hijriyada Ilaa 132 Taariikhda Hijriyada Waana Mudo Kusiman 92sanadood Oo Islaamka Soo Maray Hore U Kac Iyo Hoos U Dhacba.
Xiliga Afraad Waa Xiligii “Dawladii Cabaasiyiinta” Oo Ka Bilaabmay 132 Hijriyada Kuna Soo Idlaaday 922 Hijriyada Waana Mudo Kusiman 790sanadood.
Taariikhdaa Cabaasiyiinta Waxa Ku Jira Waqtigii “Dawladii Mamaaliikta” Oo Ka Bilaabmayey Taariikhdu Markii Ay Maraysay (648-922 Hijriyada) Xiligaa Oo Ahaa Xili Ay Dawlada Cabaasiyiintu Taag Dareeyeen Mamaaliiktuna Ay La Wareegeen Maamulkii Islaamka.
Xiliga 5aad Ee Muhiimka Ah Ee Taariikhda Islaamka Waa Xiligii “Dawladii Cusmaaniyiinta” Oo Ka Bilaabmayey 922 Hijriyada Ilaa Laga Soo Gaadho 1342 Hijriyada Waana Mudo Kusiman 420 Sanadood.
W/Q: Cabdirisaaq Darwiish