100 Guuradii Geeridii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan Iyo Gabaygiisii Dar-Daaran

Noole waliba waa dhimanayaa oo geeridu waa lama huraan, waa kii lahaa heesaagii weynaa, aabihii fanka casriga ah ee somalida cabdilaahi qarshe
Nin waa dhintaa
Nina waa dhashaa
Dharaar walba
Lays dhaafayaa.
Inkastoo nooleba dunida ka tegayo hadana waxa jira waxyaabo taariikhda gala oo aan sinaba lagu ilaawi karin oo jiilba jiil u sii gudbiyo, taas oo ah taariikhda ummadu ay leedahay taas oo soo martay gad-gadoonka waayaha.
Qormadan waxy daaran tahay dar-daarankii waaray ee sayid maxamed cabdalle xasan uu uga tegay duulka soomaliyeed, taas oo noqotay wax ilaa hada laysku wariyo.
21/12/1920-kii waa markii uu geeriyooday sayid maxamed cabdalle xasan eebe naxariis gu’ weyn ha siiyee, maanta oo kale waxay maalin murugo badan oo soomali meel ay joogtayba gumaysi maddow iyo caddaanba leh ay u gacan gashay. 100 gu’ ayaan ka joognaa markii sayidku inoo tebiyey gabayadiisii kii ugu dambeeyey oo aad moodaysay inu ahaa mid arkaaya ifafaalayaasha dal iyo dalba ku dhici doona. Alle ha u naxariisto sayidka iyo ragiisii sida gardarada ah soomali u dibin-daabyeysay, gabaygaas oo dhinacyo kala duwan taabanaya ayaa wuxu ahaa sidan:
Nin darooble aqal daahyo weyn dedab la meegaaray
Dermiyo furaash lagu gamiyo dooyiyo raaxo
Anigoo waxaan doonayaba derejo weyn haysta
Dabaq timi haday caanihii nala dulguuraaya
Dangaraaradii nagu dhacdiyo diiftii nala taabtay
Dab wax gubi duyuurado wixii nala dul gawdiiday
Waagii dilaacaba wixii naga dul guuxaayey
Inkastoon qaar daadinoo dali ka tuuryeynay
Dalkii aanu joognaba wixii nagu duqaynaayey
Waa kii dadki kala didoo doolo loo kacaye
Duluqsiyo dalkaan ka kacay dahab wixii yiiley
Darabtii banaanayd wixii dadiyo maal jiifay
Derbiyo wixi daaq la gubay ama bukaan duugmay
Iyo duni wixii nagaga lumay dararka ceeldheere
Duurkiyo hawdkii wixii duunyo lagu dhaafay
Lo’ durduraa wixii nalaga dhacay dalawadii geela
Adhi daad masaalkiya wixii nalaga sii daayey
Dulmigii qabsaday reerkayga duluglihii gaadhay
Dulihii shareernaa wixii daalna cago gooyey
Dagdagtiyo orodkii waxaan dib uga jiideeynay
Nin dooriyo wixii sheikh la dilay culimadii diinka
Waxay duub cadii ay wadhnayd bixin duleedkeeda
Dooxada garoowe wixii haadku dul faqaayey
Didibtii nugaaleed wixii nalagu dooxaayey
Dibjiradi iyo qaabatoo waxaan dib uga rooraayey
Dingiraaradii cidii wixii nala dubaaqeeyey
Wuxu diracyadaydii kufrigu daabaca u qaaday
Duqowiyo dhalaanimo waxaan dumar naloo reebin
Maxaa jabad daboolnayd wixii gaal dukhuulaayey
Duxuudhka iidoor wuxu darayey caadhkiisa
Gabdhahay dilaacsheen wixii dhiig u difiqleeyey
Dulka neefle kaasoo agmaroo dulaanka horgayn
Dubihii ikhwaankii ku dhacay duluglihii gaadhay
Dariiqii rasuulkiyo wixii diinta laga jiitay
Dabradii quraadiyo waxaa furuq dadkii xaaqay
Iimay dusheediyo waxay duumo nagu laysay
Duuflaalka wabigii waxaan doosha ugu foolay
Daltabyaysigii nagu dhacay duufka na cunsiiyey
Dacaluuska iyo ciilkii waxaan dibinta ruugaynay
Duulkii kaneecada waxaan duud ka candhownay
Dalkaa go’ani waa waxaa nala dubaaqeeyey
Daandaansigii naga qabsaday wabiga diishiisa
Durqunkii warleefkii didsaday dib noo joogteedee
Diihaal wixii uu na baday daaqsi cunistiisa
Dacmalay caruusa ah waxaan deris xigaal moodnay
Durufley axmaara waxay nagu dinaahyeysay
Dubayaal wixii nagu dhacay nalagu daanduushay
Anagu diidi maynoo marbuu daain noo qoraye
Ninkii dunida loo daynayaa ha igu diirsado’e
Inkastoo daleel nala dhigaan docina noo cayman
Mar hadaan cid laga daynahayn mawdka dakharkiisa
Raga haatan soo diganahayow dan iyo xeeshiinee
Dacwadaasu waa midaan niyada Samir ku deeqsiiyey
Waa mid damisay cadhadii qalbigu ila dilaacayey
Dubuub kalena waa eray yaroon diirka ka cadeeyo
Daarood ismaaciil ma oga dawga loo qodiye
Waa niman dushooda arkayn dayrka loo dhigaye
Waa wada damiinaan arkayn dabinka hoos yaale
Waa niman ilaahay dilayoo doorshayoo rogaye
Waa nimaan daboloo qalbiga daabac kaga yaale
Dib wixii u dhici waa waxaan dooc ka garanayne
Doqoniimo darteed waa wuxuu iigu diirsadaye
Waa wixii dabaaldagay anoo gaal isoo dilaye
Waa wixii durbaansanaa een dibnixi hayne
Xadhkihii u daadsaday misana ciida lagu duugay
Oo dooro waynoow kufrigu duluga saynsaabay
Markaan dunida dhaafaan walee lagu dabaayaa
Inu gaalku dili oo khatali dayiba maayaane
Dafiraadu waa ceeb run baa lagu dawoobaaye
Dilaal waxaad cunaysaan intaan duni joogaaye
Hadalkaa dilaacshee miyaan deelka ka habawshay
Wax maan diline macnihii soow ma idin deeqsiin
Igu diimahaa iyo dafiraad nagu daahaaba
Marse hadaan dushii adariyo iimay dacal dhaafay
Wuxu gaalku daayaaba waa deyrta maanta ahe
Maxaad igaga digataanba baruu diin lasoo bixiye
Dawo lagama helo hadaan daawo dhigataane
Dadow maqal dabuubtaan adi ama dan ha uyeelan
Ama dhaha dareeryaye jinigu duxurku yeelkiis
Nimanyahow dantaydaan hadlaye iga daliil qaata
Daccwadayda meeshaan u dhigo fiiro dib uyeesha
Waxna loo digayaa ninkii dawladnimo haysta
Waxna loo danleeyahay ninkii diinta nebi raacay
Nin ragay dardaaran u tahay doqonse waa mooge
Afartaa intaan deel ku xidhay daw ma qabadsiiyey
Deelqaafku waa ba’anyahee daacad ma usheegay
Dacwad kalena soomaali waa midaan dareensiiyey
Nimanyahow damiinimadu waa lagu duloobaaye
Dadku wuxu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne
Anaa diiday degel inaan la dego daalin ii col ahe
Dalka ma lihid anaa ku idhi dooro waynaha’e
Anaa diiday nabadiiisa aan daacad noqonayne
Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale
Anaa diiday maantuu lahaa duunyo iga hooye
Markay duusho gaaladu anaan daabadu qabane
Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone
Dahabkii uu waday waanigii daadiyoo qubaye
Dagaalkiisa anaa u xishayoo daalib ku ahaaye
durdurada fardawsaad anaa doortayoo helaye
diintayda anaan ku gadan dabaqii naareede
anigaan dariiqada alliyo diinta caasiyine
anaan labada daarood tan hore darajo moodayne
daliilkii rasuulka anaa doonayoo helaye
doofaarka eyga ah anaan daarihiis galine
anigaan dilaalkii arliga duubabka u xidhane
sida duxurka iidoor anaan duud xamaal noqone
dunjigiinba waataad kufriga daba ordayseene
waa taad igu dirayseen markaan duul lasoo waco’e
waa taad colaadii doraad iigu daranteene
markaan diirtay waa taad dushiyo doc iga qoonteene
waa taad markii aan daf idhi daaha galiseene
waa taad dushiisa urarteen duqiyo waayeele
waa taad ula daristeen sidii duul walaalo ahe
markaan diiday waa taad warnaha igula duusheene
markaan duulo waa taad dhamaan iga digayseene
waa taad dariiqyada runtii u dagnaan jiraye
goortaan digniintiyo ergada idinka dayn waayey
waa taad damiin igu qirteen dawris oo falane
digriga iyo eedaanka waa taad ka durugteene
waa taad inu dawlad yahay dood ka bixiseene
dabnihiina waa taad duhur ka sheegteene
goortuu dantiisii helayna idin dubaaqeeye
waa taad dacluuskii berbera kala dawaafteene
dagaagiina waa tuu xooluhu dayro loo dhigaye
waa tuu dareersaday fircoon diricyadiiniiye
waa tuu diyaar ugu akhriyey diinka gaalado’e
dabci beena weeyaan waxaad nagu dayeysaane
waa waxaa dariiqii sharciga uga dilaanteene
dawgii rasuulka waa taad daba martayseene
nin dardaran iblayskii dafaa daw ka raaridaye
dalacaad kufri jacayl baad noola dirirteene
dubaaqiina waxa sidaa u galay daaro buuxsado’e
duud kalaad heshaan ferenji daawo dhigataane
dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye
dirhamkuu idiin qubayaa dib ugu go’aysaane
markaa hore dab idinka dhigi dumar sidiisiiye
marka xigana daabaqaad ayuu idin dareensine
marka xigana dalkuu idinku odhan duunyo dhaafsado’e
marka xigana dushuu idinka rari sida dameeraaye
gidigeedba soomalibaan deyrka ka ahaye
dhaaxaan daraawiish ku idhi doonta gaalado’e
dhaaxaan askaro u daldalay dabada taageene
maantoo aan diyaafadiyey guuliyo derejo eegaayey
bal dayaay waxay nagu fali daraf nijaaseede

 

W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker