Maxaa kala Haysta Jaahil Lacag Haysta iyo Aqoonyahan Faqiir ah?

Beryahan dambe waxa si xawli ah ku socda shir-beeleedyada ay bulshooyinka reer Soomaalilaan qabsanayaan, si ay go’aan mideysan uga gaadhaan musharaxiinta beelaha u metalaysa goleyaasha isku sidkan ee doorashadoodi fooda inagu soo haysa. Meel kasta oo bulsho badani isugu timaado, waxa ka soo baxa hab-fikirka ay kala wataa dadyowgaasi isku yimid. Waxa goobaha isugu imanaya dad fikir ahaan, aqoon ahaan, waaqici ahaan iyo caqilaanba aad u kala duwan. Inta badan waxa shirarka ka dhexmuuqda laba kooxood oo kala ah taajir tunkii cadaaday iyo aqoonyahan hayntu ku yar tahay oo dood cilmiyeysan gooban la imanaya. Bal aynu labadooda hab-dhaqan eegno:

= Taajirkii: Ninka gancsadaha ahi waa nin inta badan wakhtigiisa amaro iyo tilmaamo bixiya oo aan u baran in isaga la tilmaamo ama la amro. Shaqadiisa nolol maalimeedka ahi, waxa ay ku dhisan tahay: Waar koontiinarkaa halkaa ka soo qaad, soo rara alaabooyinka, waxaasi ayaa lagu goynayaa qiimaha iibka, lacagtaasi sidaasi ka dhiga IWM. Ma dhacdo inta badan inay shaqaalihiisu kala horyimaadaan tilmaam ama doodd tiisa lagu diidan yahay, iyada oo tusaalooyin kala duwan dhinacyo badan laga tusaayo. Haddaba waxa ay arrin ka taagan tahay, markuu Ganacsadihii soo dhexgalo deegaan ka duwan kaasi uu ku soo caano maalay, ee lagala horyimaado dooddo iyo fikirkiisa waxba kama jiraan laga dhigo iyada oo si cilmiyeysan miiska loo saarayo, waxa lagu diidan yahay. Ka dib waxa ku dhacda laba midkood: Kow, inuu xanaaqo oo meeshaba isaga baxo. Laba, inay ka baahdo oo uu naxo ka dibna uu hadli kari waayo ama ka gaabsado waxa taagan. Qaarkood markay arkaan in aqoonyahanku dooddii isagu uu wato oo uu ka taageero bato, wuxuu la soo baxaa lacagtiisii si ay suurtagasho fikirkiisu oo ka aqoonyahanka fiqiirka ah meesha looga saaro. (Af wax cunay xishoo).

= Aqoonyahankii: Ninkani wuxuu xariif ku yahay sida maskaxda loo shiilo ee fikradaha iyo doodaha dhinacyo kala duwan looga eego. Wuxuu wataa dhaqankii uu ku soo qaatay muddadii dheerayd ee uu ku soo dhexjiray badweynta aqoonta iyo fikradaha xorta ah sida loo dhiibto. Doodaha reeraha ee miiska saaran in badan isaga ayaa markii hore soo bandhigay ama loola yimid, waxaanu muddo ku soo qaatay inta weji ee ay leedahay iyo dhinacyada ay dooduhu ka furan yihiin. wuxuu goobta la yimaadaa dood miisaaman oo inta badan dadkii goobta fadhiyey qancisa, hasayeeshee aanay la socon gacan qoyani (wax bixini). Doodaasi waxa ay joog iyo jiifba u diidaa taajirkii goobta la fadhiyey ee aan sidan u doodi karayn. Aqoonyahanku wuxuu dareensan yahay in taajirka aanu xoolo kula tartami karayn, laakiin uu fikir aqoonaysan kula dagaalamo. Aqoonyahanka dhibtiisa ugu badani waa isaga oo ay ku jirto kibir ay aqoonta maadigu dadka qaarkii ku keento. Wuxuu ka gubtaa dadka fikirkiisa ka soo horjeeda ee aan aqoonta lahayn. Wuxuu si hoose isu tusaa siduu goob ugula doodi karaa nin suuq-joog ah (Layman). Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa laga hayey” Ninka meel isugu keena aqoonyhanno waa nin bisado qol isugu keenay”. Wuxuu maldahay sida aanay fikirka ugu heshiinayn.

Halkay iska maandhaafsan yihiin?

Taajirkii jaahilka ahaa wuxuu doonayaa inuu lacagtiisa ku gumeysto aqoonyahankii, halka aqoonyahanku uu dagaal ugu jiro inuu iska xorreeyo jaahilkan lacagta haysta oo uu aqoontiisa dhulka ku dhigo. Bulshadii waa maalin-la-nool oo waxa ay mar kasta dhinaca saarayaan kan jaadkiisa iyo cuntadiisa u qaada, taasina waxa aad u fahmay taajirkii jaahilka ahaa, waxaanu bulshadii ka dareersaday aqoonyahankii fiqiirka ahaa.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker