Maxaad Kala Socotaa Sida ay Dawladaha Hoose Ee Dalka Ku Heleen Dakhliga

MA OGTAHAY MUSHARAX?!!!
Ma tahay Musharax/Murashax u taagan doorashadda Dawalaha Hoose ee Dalka?
Ma tahay muwaadin danaynaya in uu wax ka ogaado sida ay Dawladaha Hoose ku helaan dekhliga iyo sida ay u kharashgareeyay?
Hadii aad tahay musharax u tagaan golayaasha deeganka ee dalka waa muhiim in aad ogaato qoondada miisaaniyadda 2021 ee magaalada aad u sharaxantahay iyo halka ay ka hesho dakhliga.
Halka ay lacagtaasi ku baxayso ama loo qoondeeyay sida Mushaarka shaqaalaha, Kharashak Hawl Socodsiinta, Dhismayaasha Jidadka iyo Mashaaricda.
XOG LA HELYAA TALO LA HEL.
SIDEE LOOGU QOONDEEYAY MIISAAIYADDA DAWLADAHA HOOSE EE DALKA MIISAANIYADDA 2021 , 25 MAGAALO AMA DEGMO EE KA MUUQDA MIISAANIYADDA HORTAALA GOLAHA WAKIILADDA?
Misaaniyadda Dawladaha Hoose ee Dalka ee Wasaaradda H. Maaliyaadu hor gaysay golaha wakiilada oo dhan. 25 Magaalod ama degmo oo kala ah.
Degmooyinka Darajada A 7
Degmooyinka Darajada B 4
Degmooyinka Darajada C 5
Degmooyinka Darajada D 9
Total 25 Degmo
Waxa ay dhantahay Miisaaniiyadda 25-ka magaalo ee ka muuqda Miisaaniyadda golaha wakiilada loo gudbiyay (368,002,568,138)
Shanta magaalo ee ugu miisaaniyadda badan waxa ay kala yahiin.
1. Berbera 29% (105,776836,278)
2. Hargeyda 27% (98,679,100,000)
3. Gabiley 11% (39,196,324,720)
4. Burco 7% (27,503,899,724)
5. Borama 6% (20,732,000,000)
La saco halka uu dakhliga dawladaha hoose uga soo xaroodo dagmooyinka kala duwan, iyo sida ay dawlada dhexe ugu qaybiso kabka iyo dakhliga ay u qaboto dawladaha hoose sida 10% ka kastamka 12.5 Kabka Dawladaha Hoose.
NB:
Wasaaradda H.Maaliyadu waxa ay samaysay horimar aad u weyn sadexdii sanno ee ugu dambeeyay waxaana hormood u ah horimarka iyo daahfurnaanta wasiir Dr. Sacad Cali Shire. Waxa uu mudan yahay bogaadin hawsha wanaagsan ee uu qabtay.
Magaalade ayaad ku noosha oo aad jeceshay in aad ogaato Miisaniyadeeda sida loo qoondeeyay dakhli iyo sharax?
Waxa qoray Yasiin Calase

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker