Laacibka Naymar oo Ka Sahlanaaday Sidii Dhaawiciisa La Moodayay
Thiago Mendes oo ah xiddigii dhaawac u geystay laacibka reer Brazil ee Neymar ayay soo gaadheen hanjabaado dil oo ku socda isaga iyo qoyskiisaba.
Neymar oo uu kuraanta dhaawac ka gaadhay ayaa kulankii Lyon iyo PSG ee 1-0 ay guushu ku raacday Lyon ayaa ka wanaagsan sidii la filayay, waxaana sawirradii laga qaaday ay muujiyeen in kaliya burbur yar uu jiro oo aanu jabniin soo gaadhin.
PSG ayaa ka baqaysay in dhaawaca Neymar uu noqdo mid halis ah marka laga shidaal qaato qaabkii uu u Ooyayey markii garoonka laga dhex qaaday,
Waxaanay taasi keentay in laacibkii dhaawaca u geystay ee Thiago Mendes iyo qoyskiisaba ay soo gaadhaan farriimo dil ah oo loogu sheegayo inay dhiman doonaan.
Sida ay sheegtay warbaahinta GFFN, xaaska Thiago Mendes oo lagu magacaabo Kelly ayay soo gaadheen farriimaha ugu badan ee hanjabaadda dilka ah ee ka imanaya taageereyaasha PSG.
Kelly ayaa u sheegtay warbaahinta in qoraallada soo gaadhay ay qaarkood u dhignaayeen: “Ficilka uu saaxiibkaa sameeyey dartii, haddii ay wax ku dhacaan Neymar, naftaada ayaad ku waayi doontaa. Adiga iyo qoyskaaga, mid-mid.”
Kelly waxay sheegtay inay booliska la xidhiidhay oo ay ku wargelisay hanjabaadaha ay helayso, waxaanay ka dalbatay inay caawiyaan.
Booliska ayaa bilaabay baadhitaan la xidhiidha arrintan, balse illaa hadda ma jirto cid la sheegay in loosoo qabtay.
Si kastaba, Neymar ayay xaaladdiisu ka wanaagsan tahay sidii la moodayey, waxaana la filayaa in saddex usbuuc gudahood uu kusoo laabto.