“Dadka Banaanbaxaya Ee La Rasaaseeyay Dawlada Ka Masuula ..” Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax Madaxweyne ayaa sheegay inuu ka xun yahay in rasaastii dadkii banaanbaxayey lagu furay , waxaana Xasan Sheekh uu Ciidanka dowladda Federaalka uga digay in Madaxda dowladda ay u adeegsadaan in dad shacab ah oo banaanbax nabadeed ka dhigaya Muqdisho la rasaaseeyo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda dowladda iyo Taliska Booliska ka dalbaday in lasii daayo dadkii loo xidhay banaanbixii ka dhacay Muqdisho , isla markaana la joojiyo dabagalka lagu hayo dadkii kale ee ka qeyb galay banaanbaxa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker