Wararkii Ugu Danbeeyey Xaaladda Muqdisho Iyo Banaanbixii Maanta
Xaalada Muqdisho ayaa hadda degan, kaddib banaan bax rabshado watay oo saaka ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo banaan baxayaasha qaar ciidamada amniga ay ku rasaaseeyeen Isgoyska Fagax.
Banaan baxan oo ujeedkiisa ahaa in magaalada oo dhan laga dhigo, ayna soo abaabuleen Midowga Musharaxiinta ayaa u qabsoomi waayay sidii loo qorsheeyay.
Dowladda Soomaaliya oo xalay ka war heshay isku dayga bannaan baxa ayaa ciidamo geysay qeybo ka mid ah magaalada, isgoysyada iyo waddooyinka muhiimka ah, waxaana la xidhay waddooyinka.
Ciidamada ayaa xidhay inta badna waddooyinka muhiimka ah, iyo goobaha laga filan karay dibad baxyada, waana tan keentay in bannaan bixii laga filayay dhanka Koofurta Muqdisho inuu dhici waayay.
Hase ahaatee bannaan bixii dhanka waqooyiga Muqdisho laga qorsheeyay ayaa isna si gaabis ah ku bilowday, waxaana isugu soo baxay dad aan sidaa u badneyn, xaafadaha degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayay dadku dibad baxa ka dhigeen.
Banaan baxa ka dhacay Isgoyska Fagax ayaa Ciidamada Booliska ee halkaas ku sugnaa waxay rasaas ku fureen dadkii dibad baxayay, waxaana ciidamo deegaanka oo goobta ka dhowaa oo la sheegay in bannaan baxa loogu tala galay inay ilaaliyaan ay iyana qeyb ka noqdeen is rasaaseynta, waxaana goobtaas ku hakaday dibad bixii Isgoyska Fagax.
Is rasaaseynta ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aanan la xaqiijin karin, balse muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhaawaca illaa labo qof oo la siday.
Si kastaba ha ahaatee bannaan baxa maanta ka dhacay Muqdisho, inkastoo aanu sidii loogu tala galay u dhicin, waxaa uu dirayaa farriin cusub oo ah inay dhici karaan banaan baxyo rabshado wata oo magaalada ka dhaca, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee hannaanka doorashada la xidhiidha.