Askarigii ugu horreeyey oo ka tirsan Amisom oo laga helay COVID-19
Askari ka tirsan ciidamada AMISOM una dhashay dalka Uganda oo ku sugan Soomaaliya aaa la sheegay in laga helay xanuunka COVID-19.
Askarigan ayaa ka bixin Soomaaliya mudo lix bilood ah, waxaana ilo wareedyadu aaminsan yihiin inay tahay xaalad uu qaaday intii uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.
Waa askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidamada AMISOM ee laga helo cudurka Coronavirus.
Ilo ka titrsan AMSOM oo diiday in magacooda la sheego ayaa intaasi ku daray in hawlagalka AMISOM uu qaaday tallaabooyin caafimaad oo uu ka dhaqangeliyey xarunta hawlgalka AMISOM iyo xarumaha kale ee ciidamada oo ay ka mid yihiin wacyigelin, goobo biyaha faraxalka laga helo, saabuun iyo weliba goobo lagu karantiilo dadka looga shakiyo xanuunka.