Maxaa Laga filan Karaa Kulanka Chelsea iyo Wolves
Chelsea ayaa u tegaysa Wolves iyadoo raadinaysa inay kusoo laabato jidka guusha kaddib guul-darradii ay kala soo kulantay Everton oo horraantii toddobaadkan kusoo garaacday 1-0 xilli ay ku sugnayd garoonka Goodison Park. Laakiin Wolves ayaa iyaduna guul-darro lasoo kulantay sida Chelsea oo kale,
Waxaana kasoo badisay Aston Villa, taas oo ka dhigan in labadan kooxood uu dagaalkoodu kasii kululaan doono sidii hore loo filayay oo ay mid walbaa halgan u marayso in aanay laba guul-darro oo xidhiidh ah qaadanin.
Wolves ayaa heshay war ka saaraya murugadii badnayd ee ahayd inay suurtogal tahay in weeraryahankeeda Raul Jimenez uu gebi ahaanba kubadda cagta macasalaameeyo .
kaddib jabniin madaxa kasoo gaadhay markii ay isku dhaceen David Luiz ayaa niyad fiican ka muuqanaysaa marka ay Chelsea ku qaabisho garoonkeeda Molineux, iyagoo rajaynaya in aanay guul-darro labaad oo xidhiidh ahi kasoo gaadhin.
Weeraryahanka reer Mexico ayaa lagu arkay garoonka tababarka maalmihii ugu dambeeyey, laakiin may ahayn in si dhab ah loogu ogolaaday inuu kubadda ciyaaro, balse waxa uu ugu yimid ciyaartoyda inuu niyadda u dhiso.
Tababare Nuno oo xili ciyaareedkan hal guul oo kaliya kasoo hooyey kooxaha waaweyn, 2-1 na ku garaacay Arsenal ayaa doonaya inuu Chelsea ka dhigo naadigii labaad ee weyn, xilli uu barbarro kusoo qabtay Tottenham.
Dhinaca kale, Chelsea ayaa u dhimatay Sabtidii qalad uu sameeyey goolhaye Edouard Mendy oo dhulka ku tuuray Dominic Calvert-Lewin, taas oo keentay in rikoodhe lagu dhigay uu gool u beddelo Sigurdsson, iyadoo goolkaasina ahaa midka kaliya ee ciyaarta ka dhashay.
Blues ayaa usbuucan fursad u heli lahayd inay hoggaanka horyaalka qabato haddii ay ka guuleysan lahayd Everton, sababtoo ah,
Waxa barbarro galay Liverpool iyo Tottenham, taas oo mar kale uga dhigan Blues inay hal dhibic ka sare mari karto labadan kooxood oo ay illaa habeen dambe si ku-meelgaadh ah usii hayn doonto hoggaanka, haddii ay ka badiso Wolves.
Kulankii ugu dambeeyey ee Chelsea ay tagto Molineux, waxay kala soo laabatay guul-weyn oo 5-2 ah iyadoo uu saddexlay dhaliyey Tammy Abraham.
Xogta kulanka
Ciyaarta: Wolves vs Chelsea
Tartanka: Premier League, kulamada 13aad
Waqtiga: 9pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Molineux Stadium
Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood.
Khabiirka khadka dhexe ee Moutinho ayaa gebi ahaanba ciyaartan ka maqnaan doona kaddib markii laga saaray waqti dambe ciyaartii Aston Villa, balse waxa soo laabanaya laacibka ay isku waddanka yihiin ee Ruben Neves.
Ma jiro waqti loo qabtay inuu soo laabto Raul Jimenez oo madaxa uu ka gaadhay dhaawac jabniin ah, sidoo kalena Jonny Otto ayaa muddo dheer garoomada ka maqnaanaya.
Willy Boby ayaa lagu qasbay inuu kursiga kaydka ka daawado ciyaartii u dambaysay kooxdiisa, lamana filayo inuu kusoo laaban doono safka hore, laakiin Rayan Ait Nouri ayaa dhinaca bidix ka ciyaari doona haddii Marcal ogolaanshaha ugu dambeeya uu waayo.
Dhinaca Chelsea, waxa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Christian Pulisic oo ka maqnaa ciyaartii Everton, balse Frank Lampard ayaan khatar gelin doonin laacibkan reer Maraykan haddii aanu taam ahaansho buuxa helin.
Waxa kale oo Blues dhaawac uga maqan Callum Hudson-Odoi iyo Hakim Ziyech oo la filayo inay kusoo laabtaan garoomada dhamaadka bishan December.
Timo Werner iyo Kai Havertz ayaa kusoo bilaaban doona mar kale, waxaana safka hore kusoo laaban doona Jorginho oo kaydka fadhiyey ciyaartii hore.
Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood
Wolves: Patricio; Semedo, Coady, Saiss, Marcal; Neves, Dendoncker; Traore, Podence, Neto; Silva
Chelsea: Mendy; James, Zouma, Silva, Chilwell; Kante, Jorginho, Mount; Havertz, Giroud, Werner