Badhi- walihii kibray
Dadka qaar ayaa ilooba noloshii ay ku soo koreen marka ay ladnaystaan oo u kibra sidii Mataan Ciideed oo noola qarnigii 19aad badhtankiisii kaasi oo kibirkiisa iyo qabka isla waynidiisu ay u been sheegtay oo eeday is mahadinitiisii beenta hayd. Kaligiina maaha ee dad badan oo sidaa u kibray ayaa aduunka soo maray oo Xirsi Amaan iyo Yuusuf Galaydh ba ka mid ahaayeen oo taariikhdu warisay, dadka inta wax garadka ahna u noqotay cibro.
Waxaa jira kuwo shalay uu bakhtigu xalaal u ahaa oo maanta isku dayaya inay inoo sawiraan kuwo ku quraacan jiray Cod-Cod ama Cheese la dhex galiyey roodhi amase ku dhuuqi jiray Yogurt roodhida, sidii isku dhuuqi Ina-Cawaale alle ha u naxariiste, waxaa tilmaami karaya in badan oo u dhalatay ama ku dhalatay magaalada Hargaysa qofka ay ahayd ina Cawaale.
Magaalada Hargaysa ee uu iminka ka yahay Moyor ku sheeg solteco oo aanay dadka in badan xitaa ogayn goobta iyo siduu ku yimi magacan u noqday naanaystu. Alle ayaa I lehe maan gafin markaan idhi maayar ku sheeg, waayo waa u uku magacan bayahay uun jagada ee masuuliyadeedii is muu saarin. Magaalada Hargaysa oo ah caasimadii Somaliland waxa ay ahayd in ay noqoto muraayad waase haddii uu talinayo mid Solteco dhaamaa.
Aan dib ugu soo noqdo magaca naanaysta u noqday iyo halka uu salka ku hayo. Waa dib u soo noqoshadii Somaliland horraanti sagaashameeyadii oo dadku dib u yagleeleelayaan qarinamdii ay la soo noqdeen waxaana dadkii xilliga is abaabulay ka mid ahaa; Maxamed Xawaadle Madar, Maxamuud Cabdi Shide (Tuur), Maxamed xaashi Cilmi iyo Xasan Xawaadle Madar iyo in kale oo isku beel ka soo wada jeeda kuwasi oo dhisay shirkad isgaadhsiineed iyo in ay dalka keenaan Patrol iyo agab kale hawshaas oo si fiican u hirgashay, uuna madax ka ahaa Maxamed Xawaadle Madar ayaa waxa laga shaqaalaysiiyey Solteco oo ka so jeedo qoys dan yar ah oo Maxamuud Cabdi Shide isku raas ahaayeen, kaasi oo il naxariiseed ku eegay Solteco oo bakhtigu xalaal u yahay. Maxamuud Cabdi Shide( Tuur) waxa uu ahaa deeqsi kal furan caawiyana cid kasta oo u baahata taasina waa ta furaha u noqtay Mayor Solteco iyadoo shirkada is gaadhsiineed looga dhigay Badhi-wale soo ururiya biilasha lagu leeyahay meheradaha gudaha magaalada Hargaysa. Magaalada oo markaa aan lahayn qaababka casriga ah ee lacagta la isku waydaarsado sida Bangiyo, xawaalado iyo agab kale. taasi oo aad u soo dhaweeyay Solteco iyo qoyskiisuba. wax badan oo faraha ugu jira ma jirin dadkuba markaas uunbay soo labanayeen isaga iyo qoyskiisaba u dheertay dacdaro wax la’aaneed.
Hargaysadaa aan ka soo sheekeyay oo aan lahayn adeegyo badan xiligaa burburka ay ku sugnayd dariiqa kaliyee ay lacagta biilasha looga soo ururin jiray meheradii xilligaa waxa ay ahayd uun in cid shaqaale ah loo adeegsado sidii post walaha ama badhi walaha taa ayaa keentay in shirkaddi solteco uu Maxamuud Cabdi Shide (Tuur) u qoray shaqaale ahaan Mayor ka hadda is mahadiyay ee Solteco, si uu qoyskooda oo ahaa danyar ugu noqdo wax tar isna uu shaqo la’aanti ka saaro si uu barri ka maalin u noqdo qof iskii u taagan. Allow nin ma ahaa Maxamuud Cabdi Shide. Maxaa uu kaga abaal gudi doona abaalkaa wanaagsan ee Maxamuud uu galay yarka Solteco? Jawaabta aan u hayo su’aalshan ma aha sheeko qof kale ii soo tabiyay waase midna dhex martay aniga iyo Solteco laftiisa, waa marakay taariikhdu ahayd bishii December 2017 kii, waxaan doonaya in loo qabto kulan lagu lafo gurayay raganimadii Maxamuud Cabdi Shide iyo waxaa uu taray Somalilandta maanta taagan, kaasi oo ku lahaa abaal ballaadhan oo ay ka mid ahaayeen in uu ahaa qofkii u horeeyay ee keena daabacad casriya taasi lagu daabaci jiray jariiradii Jamhuuriyada iyo internetka oo uu ahaa ninkii u horeeyay ee keena Somaliland oo markaa iska yabyab ahayd waa horaantii 1990-aad kiiyee.
Waxaan is tusay bacdamaa uu abaal ballaadhan isaga iyo qoyskiisaba uu ku lahaa Maxamuud Cabdi Shide yarkan Solteco inuu uu ka yeeli doono si fiican Maxamuud oo aanu markaa kulan xus iyo duco iskugu jira u abaabulaynay. Waxaan sii maray si nin ay saaxiib yihiin oo aan ka codsaday inuu ii ballamiyo maayarka si aan u arko. Muddo todobaad ah ayay igu qaadatay in aan arko, hungow badan ka dib iyo dharaaro badan oo aan ku lug go,ay oo aan goor danbe ku sii hadaafay xafiiska dawlada hoose oo ah kii maxmiyadii ingiriisku kaga tagtay oo albaabadiisu yihiin shabag aad is odhanayso meeshu ma (ZOO) ama beer xayawaanka laguu dhaqan jiraybaa, ayaa mar walba waxa la leeyahay ma joogo iyo wuu imanaya.
Ku dhawaad 12 ka duhurnimo markay dadku ka quusteen ay isku qanciyaan inaanu imanayn oo laga rawaxay ayuu yimaadaa xafiiska. Dhawr cisho markii aan sidii ku waayay ayaa la ii sheegay in aan iska sugo oo aan la ciyaaro kaartada uu dadka ku marin habaabinayo. Ugu danbayn 12 kii ayuu is soo xaadirayay oo uu dadkii ka xushay inta qof ee uu la kulmayo, kadib ayaa xafiiskii la isku shubay aniga iyo dadkii kale ee uu yidhi soo daaya ayaa galnay. Kadib markii uu isha mariyay dadkii ayuu aniga iga garan waayay, ilayn inta kale waa dad arimo hoose ka dhaxeeyaane ayuu intuu si adag ii soo eegay i yidhi maxaad u socotay adigu? Waxaan u sheegay ninkii ay saaxiibka ahaayeen qofkii uu balamiyay inaan ahay, waxaanan u raaciyay inaan doonayo in loo qabto kulan xus ah oo lagaga sheekaynayo taariikhdii rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Maxamuud Cabdi Shide (Tuur). Waxa uu si dhib yaraan ah u yidhi waxaa loo qaban doona xilligii loo qaban jiray, ka dib markii aan waydiiyay goorta ay ahayd waxa uu iigu halceliyay “Bisha November” ogow kolkaa waxaana ii hadhay wax ku siman dhowr todobaad oo fasaxaygii waaba gabaabsi. Ta kale Novemberta uu sheegayo miyaanay ahayn tii imninkuun baxday bil ka hor, ilayn waqtigan aan ku jirnaa markaa waa December sidii aan soo xusay e’.
Wallaahi waa abaal laawe! oo ma rabo in xus loo qabto Maxamuud Cabdi Shide waxay hoos naftaydii iigu tidhi waana baal laawe oo ma rabo inuu barnaamijka taagero noocay doonto ba ha ahaate uu ku fidiyo, waanan ku waafaqay naftaydii hadalkii dabadeed intaa aan u faq daayay isaga iyo kuwii gacmaha hoosta iskaga dhiibayay uu xafiiska ku soo ururiyay, ayaan u holaday inaan ku idhaa waxaad tahay abaal laawe ayaa tahay ka abaal dhacay Maxamuud Cabdi Shide Tuur waxa kale oo aad tahay badhi wale kibray
Waar ilayn abaal laawe waa kano o kale. In uu taageero iska daaye, muu rabin in xus loo qabto Maxamuud Cabdi Shide. Markaan intaa isni nidhi ayaan naftaydii la faqay oo aan is idhi iskaga tag kani naf ma lahee. Hargaysada kaasi madax u yahay, ilaahay uun bay leedahay. Ka dib waan iskaga soo baxay anigoo u holaaday in aan ku idhaa “Waxaad tahay abaal laawe, ka abaal dhacay Maxamuud Cabdi Shide, waxa kale oo aad tahay Badhi-wale kibray.”
Qore: Cabdi Muxumed
cabdimuhumed60@gmail.com