Waceys (Ogaadeen dhex-yaal)
Waceys waa: Waceys Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe.
Waceys waxa la dhashey:
- Faatax Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
- Cumar Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
Waceys wuu kala qolo-qoleysan yahay, oo waa saddexdan qeybod:
- Waceys, oo Ogaadeen ah
- Waceys, oo Habar Jecle ah
- Waceys, oo Toljecle* ah
* Waa marka Toljecle, oo Habar Jecle ah, ay beel kale ka dhigaan.
Waceys ka Ogaadeen
Waxa uu dhex deggen yahay, Ogaadeen.
Waceys ka Habar Jecle
Waxa uu dhex deggen yahay, Habar Jecle.
Waceys ka Toljecle
Waxa uu dhex deggen yahay, Toljecle.
Waceys ku, nasiib darro, waxa uu kala qolo-qoladan iyo kala qeyb-qeybsanaantan uu kala mid yahay, Aadan-madoobe intiisa kale, oo guud ahaan, waa beel uu dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad, uu afarta jihood u kala qaxiyey, oo uu kala qolo-qoleeyey.
Si kasta ha ahaato’e, waa hubaal, oo goor ay ahaata ba, beeshu min Jibuuti ilaa Gaarisa (Kiiniya), min Ceeldaraad (Somaliland) ilaa Naasareet (Itoobiya), waa hubaal, oo mar uunbay isa soo wada haybsan doontaa, oo is wada baran doontaa, oo wada midoobi doontaa – bi idni Allaah.
Alla ha u naxariista’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha’e
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha’e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com
sheekhdaahir@gmail.com