Sunta disha Ragga!
Gabadh baa waxay dhibsatay noloshii guurka waxayna ku fakirtay in ay disho saygeedii, Haddaba si ay qorsheheeda ugga midho dhaliso waxay subax hore ku kalahday hooyadeed waxayna ku tidhi: Hooyo wuu I dhibay ninkaygii diyaarna uma ihi in aan la sii noolaado balse waxaan doonayaa in aan dil’lo oo nafta ka qaado, waxaanse ka baqayaa in la ogaado in aan dilay oo markaa anigana sharciga layla tiigsado, markaa ma iggu caawin kartaa xeelad aan laggu ogaan in aan aniggu dilay.
Hooyadeed waxay uggu jawaabta : haa waan kaa caawin karaa arinkaa laakiin waxaa jirra arrin yar oo ay tahay in aad fuliso?
Waxay tidhi inantii: oo waa maxay arrinkaa yari hooyo?aniggu diyaar baan u ahay arrin kasta oo fududaynaya dilka ninkan.,,,.
Hooyadii waxa tidhi: waa si wanaagsan waxaad yeeshaa:
1- la saaxiib si aan markuu dhinto qofna aanu uggu malayn in aad adiggu dishay.
2- naftaada qurxi oo isu dhalaali oo noqo mid soo jiidasho leh si aanu kaaga shakiyin.
3- Waa in aad xanaanaysaa oo aad noqotaa mid u dhegga nugul aadna u soo dhawee ehelkiisa si
aan cidna dareen tuhuni u gelin.
4- Waa in aad noqotaa mid sabir baddan oo kalgacal badan oo masayr yar, aad u debecsan,
ixtiraam baddan ilaa aad ka noqoto mid uu u soo qaato tusaale kuna faano.
5- Iska ilaali cadhada oo ha u cadhoon, maalka uu kuu dhiibana ha ku takri falin ee si wanaagsan
u maamul yaanuna kuu arkin qof damaaciya oo xoola doona.
6- codkaaga hoos uggu dhig oo ha ku qaylin, ku boob salaanta inaad jeceshahayna mar walba u
sheeg, si aan markuu dhinto laguu tuhmin.
Hooyadii waxay intay degtay gabadheedii ku tidhi ma samayn kartaa arimahan oo dhan? Inantii waxay Hooyadeed uggu jawaabtay: haa hooyo waan samayn karaa dhamaantood.
Hooyadii waxay inantii waxay inantii u dhiibtay bu’do (powder) waxayna ku tidhi: uggu dar cuntadiisa maalin walba si tartiiba ayay u dili doontaa Budadaasi.
Sodon maalmood markii ay ka soo wareegtay baa gabadhii ku soo noqotay hooyadeed iyadoo walaacsan, waxayna ku tidhi: Hooyo ma doonayo in aan dilo ninkayga marnaba,waan jecelahay wuu is bedelay gebi ahaanba, wuxuu noqday nin debecsan oo fiican sidaan rabay ee aan doonayay weligayba, waxay intaa raacisay maxaan sameeyaa oo aan kagga hortagaa dhibaatada ay u keenayso suntii bu’dada ahayd ee aan cuntada uggu dari jiray? Hooyo waxaan kaa codsanayaa in aad arinkaa igga kaalmayso?
Hooyadeed waxay uggu jawaabtay: nabarka murgada ee ku haya halkaa iska dhig, ha werwerin inantaydiiyeey markii horeba kuuma dhiibin xaqiiqo ahaan bu’do ( powder)dhibaataysa oo disha ninkaaga wuxay ahayd bu’do caadiya!…..
laakiin Dhabtii adiga ayaa ahaa sunta dilaysay ninkeeda si tartiiba, waayo! “ joogtaynta aad joogtaysay khilaafkiisa, dooda, degenaansho la’aanta, daryeel la’aanta, qaderin la’aanta, maqal la’aanta, tusid la’aanta jacayl iyo lexe-jeclo aad u qabto, waxay sababtay xitaa in aad ku fekirto in aad saygaagii disho.,,,,
Markaad dhaqankii bedeshay ee aad kalgacal, jacayl iyo daryeel iyo ixtiraamid la timina wuxuu
noqday nin fiican oo kuu debecsan.
Raggu ma’aha dhib low dhab ahaantii laakiin qaabka aynu ula falgalo ayaa keena jawaabta ka dhalata waxa inagga soo baxa dhaqan ahaan iyo dareen ahaanba….!
Hooyadii iyadoo hadalkii sii wadata waxay tidhi: “Gabdhayahow hadaad ku qaabishaan ragiina ixtiraam, dhaga nuglaan, kalgacal, iyo dulqaad waxaa xaqiiqo ah in aydin ka goosan doontaan midho macaan boqolkiiba boqol….,!
Ilaahay xaqa hayna waafajiyo!🥕
✍ Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)