Khubaro ka faallooday Muhiimadda uu leeyahay iyo Saamaynta Safarka Madaxweyne Muuse Biixi ku joogo Kenya

Khubaradan ayaa kala ah Prof Bruce Berman, Prof Brendon J. Cannon iyo John Rosenberg oo ku takhasusay Xidhiidhka iyo Siyaasadda Waddamada Afrika

Hargeysa (OWN)- Khubaro reer Galbeed ah oo u dhuun-daloosha siyaasadda qaaradda Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika, ayaa ka faallooday muhiimadda uu leeyahay iyo saamaynta siyaasadeed ee dhalan karta safarka uu madaxweynaha Somaliland maanta ku tagay dalka Kenya.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay Isniinta Berri kulan wada yeelan doonaan.

Khubaradan ayaa faallooyinka ay ka bixiyeen safarka madaxweynaha Somaliland ee Kenya iyo xoojinta xidhiidhka dibloomasiyadeed ee labada waddan oo warbaahinta Somalilandpost.net soo ururiyey, waxa ay ku eegeen dhinacyada dhaqaalaha, dibloomasiyadda iyo isbeddelka xidhiidhka dibloosiyadeed ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo xilligan meel xun maraya.

Professor Bruce Berman oo hore macalin uga soo noqday Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, xilliganna ah cilmi-baadhe ku xeel-dheer cilmiga Siyaasadda, gaar ahaan siyaasadda qaaradda Afrika, ayaa ka mid ah khubarada ka faallootay marti-qaadka dowladda Kenya ee madaxda Somaliland iyo muhiimadda uu leeyahay safarka madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas.

SI AAD UGA BOGATO WARBIXINTAN OO DHAMEYSTIRAN, GUJI SAWIRKA HOOSE 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker