Dawlada Sacuudiga Oo Sharcigii Dhalashada Ka Qaaday Wiil Uu Dhalay Osama Bin Ladin
Riyad(OWN)- Dawlada Sacuudiga ayaa Sharcigii dhalashada ka qaaday Wiil uu dhalay Osama Bin Ladin, Go’aanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo baxay kadib markii uu Maraykanka sheegay inuu baadi-goobayo Hamsa oo uu dhalay hogaamiyihii Al Qacida, Osama Bin Ladin.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay inay gebi ahaan ka xayuubisay sharcigii dhalashada ee Hamsa Bin Ladin oo la sheegay in la filayo inuu kamid noqdo hogaamiyayaasha kooxda Al Qacida.
Hamsa ayaan la ogeyn illaa iyo hada meel uu ku nool yahay, balse go’aanka Sacuudiga ayaa ka dhigaya inuusan heysan wax sharci ah ama dhalasho dal, wiilkan uu dhalay Osama Bin Ladin ayaa muddooyinkii danbe kasoo dhex muuqday warbaahinta taageerta Al Qacida isagoo u hanjabaya reer Galbeedka iyo Qoyska Boqortooyada Sacuudiga.
Sirdoonka reer Galbeedka ayaa aaminsan in Hamsa uu si qarsoodi ah ugu nool yahay dhulka saaran xaduuda u dhaxeysa Pakistan iyo Afghanistan, halka ay jirto xog sheegaysa inuu ku nool yahay dalka Iran sida ay ku doodayaan sirdoonka la socda dhaq dhaqaaqa qoyskii uu ka dhintay hogaamiyihii hore ee Osama Bin Ladin.
Maraykanka ayaa sheegay inay ku bixin doonaan lacag dhan 1 milyan oo dollar cidii soo sheegta goobta uu joogo Hamsa.
Fariimaha uu Hamsa soo dhigayey warbaahinta Al Qacida taageerta ayaa loogu baaqay in shacabka Sacuudiga iyo Qabaa’ilka dalkaasi ay ku biiraan dhaq dhaqaaqa Al Qacida ka wado dalka Yemen, isla markaana la dagaalamaan Boqortooyada Sacuudiga wuxuu sidoo kale ku baaqay in weeraro la geysto dalalka reer Galbeedka.