Weriyaha SAHAN TV Ee Ceerigaabo oo xabsiga ladhigay

Boliiska magaalada Ceerigaabo ayaa saaka xabsiga dhigay C/raxmaan Maxamed Xiddig oo ah Weriyaha Sahan TV ugasoo warrama magaalada Ceerigaabo. Waxana weriyahani ku xidhan yahay saldhigga dhexe boliiska ee magaalada Ceerigaabo.

Macadda ilaa hadda sababta dhabta ah ee weriyahan xorriyaddiisa looga qaaday, haseyeeshee wararka kasoo yeedhaya Ceerigaabo qaarkood ayaa sheegaya in weriyahan loo haysto aragtidiisa oo uu kubaahiyey bartiisa Facebook-ga taasoo kusaabsanayd in gobolka Sanaag u baahan yahay badhasaab cusub.

Dhinaca kalena gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo xagga saxaafadda marka laga hadlayo muddooyinkii ugu danbeeyey cabbudhinta iyo cadaadiska lagu hayo saxaafadda ayaa ah mid xooggan soona kordhaya maalinba maalinta kadanbaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker