Kulan Deg Deg Ah Oo Golaha Wasiirrada Maamul Goboleedka Puntland Uga Socda Garoowe.
Garoowe-(OWN)-Golaha wasiirrada Puntland ayaa hadda ku shiraya xarunta madaxtooyada Puntland ee dulleedka magaalada Garoowe,kulankan oo saraakiisha ay ku tilmaameen mid aan ‘caadi ahayn’ waxaa guddoominaya madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.
Kulankan waxaa kalo ka qaybgelaya madaxweyne ku-xigeenka Puntland,arrimaha diirrada lugu saarayo waxaa ka mid ah in golaha uu ka dooddo go’aankii hoggaamiyayaasha madasha wadatashiga dowlad-gobolleedyada ay xidhiidhka ugu jareen dowladda Federaalka, qodob kale oo la xidhiidha xaaladda gobolka Sool ayaa ka mid ah arrimaha kale ee kulanka looga hadlayo.
” Shirkan deg dega ah waxaa ay golaha uga hadlayaan arrimo xasaasi ah oo ay ugu horreeyso xaaladda siyaasadeed ee dalka.” ayuu yidhi sarkaal goobjoog u ah shirka oo la hadlay warbaahinta.
Warbaahinta ayaa dibad joog ka ah kulanka, balse warar horu-dhaca ah oo laga helayo halka uu ka socda shirka ayaa sheegaya in go’aamo kulanka laga soo saari doonno ay qeyb ka noqon karraan in Puntland ay hakiso xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha dowladda federaalka,sida ay xoguhu tibaaxayaan.
Kulankan aan horey loo sii shaacin, wuxuu ku soo beegmayaa xilli khilaaf xooggan uu u dhaxeeyo dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka, waxaana shir maalmo ka hor ku soo dhammaaday Kismaayo ay si wadajir ah dowlad-gobolleedyadu xidhiidhka ugu jareen dowladda dhexe ee federaalka.