Soomaalidii Hore Iyo Meesiga Idaha Q1aad: W/Q: Cabdirsaaq Darwiish
Adhigu waa meesiyada la shafeecsado kuwa ugu taranka badan Waxa lagu tilmaami karaa saad aan sahal ku dhamaan, wuxu u kala baxaa ido iyo riyo labadan meesi waxay leeyihiin taran degdeg ah oo ah 5- bilood, halka geelu sidkiisu yahay 13bilood, lo’duna 9 bilood ay tahay.
Inta badan dadka reer miyiga ah waxay jecel-yihiin labadan meesi Ee adhiga sababo badan oo jira awgood :
1. Waa marka horee waxay ugu xushaan cad iyo hilib ahaan oo ay dadka reer miyiga ahi ku baanan jireen qofkii bukooda iyagoo markaa aaminsanaa in xanuun iyo hilib idaad aanay meel wada gelin waxaanay ku maah-maahi jireen ( lax iyo Laxow meel ma wada galaan) Siyaabo badan oo kala duwan ayey hilbaha neefka ugu farsamayn jireen. Kumbus, badhi, subag fiixa oo laysku daray ayey qofka ku baanan jireen.
2. Martida reerka soo tamadisa waxay u loogi jireen wan ama sabeen shilis, ceeb aan ceebi ka weynayn waxaa ahayd in martida loo loogo orgida ama riyaha.
3. Markay adhiga wax ka bixinayaan ee culimo reerka dultimi ama marti kale oo la jecelyahay xoollo siinayaan, ama ay sakada xaqeeda gudayaan waxay bixin jireen idaha, kuwaas oo ay aaminsanaayeen inay ku wanaagsan yihiin waxtarka cidii kaalmo kaasoo jadiimisa.
4.Ninku marku rabo in xoolihiisa u xirsi xidho waxu qali jiray wan weyn oo Sumal ah kaas oo hilbihiisu dad badan deeqi karo. Gabyaa soomaliyeed oo hilibka idaha kasaraysiiyey hilibka riyaha,iyo ugaadha kale ayaa yidhi:
-Caatada riyaha lama qasho iyo cawlka joogsadaye
-caaniyo baruurbaa nin raga caafimaad tara.
Inta badan marku adhigu diyaar uyahay taranta waxa layidhaahdaa:
Adhigii iyo lo’dii way Orgoodeen. dadka qaar ayaa idaha xiliga ay Taranta diyaar u yihiin yidhaahda idihii Waa sumladeen.
sidoo kale geela isna waxa la yidhaahdaa Waa Abaaho qaatey.