“Maxay Noqon Karaan Saamaynaha Guuleed Iyo Guuldareed Ee Ethopia, Abiy Axmed Iyo Amxaaro Midba Gaarkiisa …

“Maxay Noqon Karaan Saamaynaha Guuleed Iyo Guuldareed Ee Ethopia, Abiy Axmed Iyo Amxaaro Midba Gaarkiisa Uga Dhaxlidoono Natiijada Gulufka Military Ee TPLF, Oo Fashil Dowladed Iyo Mid Guuleedba Hadba Ka Uu Dhaxalkeedu Ku Soo Idlaado Ay Maraqeeda Cabbi Doonaan”.
+++++ +++++ +++++ +++++ +++++ +++++ +++++ +++++ +++++ +++++ +++++ +++++ +++++

1: Hadii uu guul dhamaystiran oo aan ku dabadheeran Aby Axmed ka gaadho gulufka military ee uu ku gaalabixiyey qowmiyada Tigray-ga Ethopia. Waxa u beryidoona WAA ama IFTIIN hogaamineed oo u sansaan eeg kii labadii xukumadood ee 50kii sanadood ee u danbeyey Dadka reer Ethopia u afdubnayeen. Laguna kala magcabijirey xukumadii gumaysiga Dergiga Ethopia (Derg) ee Amharadu hormuudka u ahayd horantii 70-tanadkii illaa 1991-kii. Iyo jabhadii Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ee Tigray-gu hormudka ka ahaa, 1991-kiina xukunka ka turtay nidamkii gumaysiga Dergiga (Derg) ee u hoganka u hayey Mengistu Haile Mariam. TPLF oo 1991-kii hogaamiyaha dalweynaha Ethopia si khasab ah ugu cumaamday R/Wasare Meles Zenawi waxay sii anbaqaday muddo 30 sano kudhow oo ay xukunka Hayeen kelitalis-nimadii,gumeysigii, xadgudub-yadii iyo gabood faladii xukunka lagu dhereysanayey ee shacabka Ethopia hore ugu dhutinayeen. Hadaba maxay tahay faa’iidada xukun ee Abiy Axmed ugu jirta guul ka gaadhida hawlgalka Tigray?
A) Waxa uu awooda ka qaadi doonaa dhammaan ciidamada Liyuu Police-ka Dowlad goboledyada Ethopia oo dhan, tasoo uu uga danleyahay jiritanka awooda Dowlada dhexe oo qudha.
B) Waxa uu dhisidoonaa Awood Military oo u guulwadaysa xukunkiisa taa soo u badan Oromada,Amxarada iyo Somalida oo ah xulufka uu u asteeyey wada xidhashada shaadhka isbedelka hogaamineed ee Ethopia uu ku hagi doono xisbiga PP (Prosperity Party) ee hoganka isbelka wakhtigan hormuudka u ah.
C) Waxa uu noqon doonaa odayga Geeska Africa shar iyo khayrba ku hagi doona.
D) Intaas oo la isku daray waxa uu isugeystey inaguna aynu odorosi karnaa inay u horseedi doonto xukun qaata sanawaado aan dhamadkooda dadka reer Ethopia garandoonin.
2:Maxayse tahay Abiy Axmed faa’ida-darada ay dhaxli siin doonto guuldarada TPLF?.
A) Awooda qowmiyadaha oo ka Awood badata xukunkiisa.
B) Sumcadii iyo awoodii Ethopia lagafilayey oo meesha kabaxaysa, bedelkedana gamcashisheye cidda ay dantooda ka arkaan ku soo ciyarsin donan.
C) Damaca qowmiyadaha ee xukunka oo xadhkaha goosan doona walow ay dhaxalsiin karto dil iyo fowda hadba kii xukunka lagaga qaadilahaa,haba ugu darnaatee qowmiyada Amxaaradu.
3: Maxay Ethopia iyo Amxaaro dhaxlidoonan?
A) Guuldarada gulufka TPLF Ethopia waxay ka dhaxlidoontaa dagaal sokeeye (civil war),burbur iyo barakac aan kasoo kabasho lahayn. Guushisana dowladnimo iyo iskuduubni daleed.
B) Guuldarada gulufka TPLF Amxaaro waxa uu god dheer kagaridayaa damacii kursiga ay nabada khiyamadu kujirto ku raajicinayen. Guushiisana rajo xukun iyo islaweynidii Ethopia waa hanti Amxaaro ayay shamaca u shidaysaa.

-Dhammaad-

W/Q: Suleiman Hussein Sandheere

Email:kingsaleiman1994@gmail.com
Whatsapp:+252634442769

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker