TALO IYO TILMAAN

Nabad akhristayaasha sharafta lahow. Bariidadaasi kaddib, waxaynnu walaalayaal maanta isku tilmaami doonnaa, dhawr arrimood oo la xidhiidha masaajidadeenna – dal iyo dibadba.
Ilaahay ha ka abaalmariyee, dad badan oo muxsiniin ah ayaa dal iyo dibadba ka dhisay; masaajddo aad u qurux badan oo aad la yaabaysid sida loo dhisay iyo gogosha hoos taallaba!
Waxadse arkaysaa meelo badan oo masaajidadeennu weli qabyo ka yihiin oo aan lagu baraarugsanayn!

Meelahaasina waxa ka mid ah:

  1. dhinaca musqulaha ( suuliyada, kaniifyada, beytalmey-yada) hadba kaad u taqaanid. Haddii aad u fiirsatid suuliyada masaajidadeenna quruxda badan ka qodan ama samaysan – gaar ahaan kuwa ku yaalla dalkeennii hooyo- aad ayaad u saluugeysaa marka laga eego saddex dhinacba. Kuwaasi oo kala ah:
  • xagga samayska oo ah, in loogu talogalay meelo yaryar oo weliba dusha ka furan oo xilliga roobabka aan cidi geli karin – qoyaan iyo qudhmuun awgood! Waa marka aynnu eegno, sida ay masaajidadu u badan yihiine!
  • dhinaca nadaafadda oo aad u liidata oo aad moodid, in aan cidaba ogeyn ama aan la iska xilsaarin
  • Ta saddexaadna waa biyo la’aanta iyo habka ay suuliyadu u qodan yihiin ama samaysan yihiin oo aan weli la soconin habkan casriga ah ee magaalaynta! Halkaasi haddii aynnu yara iftiiminno, musqulaheennu wali waxay yihiin kuwii loo yaqaanney habka reer bariga ee Eeshiya (Asian toilets) laga isticmaali jirey – waxaynnu ula jeednaa suuliyada la qodo ee godka ah. Shakina ma laha, in noocani kaga habboon yihiin meelaha bulshadu wada isticmaasho (public places)ka nooca kale ee loo yaqaanno habka reer Galbeedka oo ah nooca taagan ee lagu fadhiisto. Waayo, musqulaha Eeshiya laga isticmaalo jiidhkaagu ma taabanayo oo laguma kala qaado cudurrada -waa haddii nadaafadooda laga shaqeeyo eh.

Waxase isweydiin leh, ma loo baahan yahay; in masaajidada laga sameeyo jaadka kale ee reer Galbeedku isticmaalaan? Waxay ila tahay, inay jawaabtu haa tahay! Waayo, waxa jira dad badan oo da’  ah oo aan ka kici kareyn suuliyada jiifa ee godka ah- weliba ku darsoo ajaanibkii iyo reer magaalkiina way u baahan yihiin inay masaajidadeenna ka helaan noocii reer Galbeedka!

Sidaasi awadeed, waa in aynnu aad ugu baraarugsanaanaa; samayska iyo nadaafadda musqulaha masaajidadeenna.

Xasuusnow weliba inta xadiis ee rasuulkeennu (NNKHA) kaga hadlay guud ahaan nadaafadda guud iyo gaar ahaan ta meelaha Ilaahay lagu caabudo oo masaajidadu koow ka yihiin.

Hal-ku-dheg Soomaaliyeed baa wuxu yidhaa,” Arrad waa dan, uskagse waa doqonniimo.”

Eebbe idamkii, inta aynnu qaybaha kale qormadan ku kulmi doonno; nabadgelyo iyo naxariista Eebbe dushiina ha ahaato.

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker