Shil Gaadhi oo sababay Dimasho Iyo Dhaawac Ayaa Ka Dhacay DDSI

Shil gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay, inta u dhexeeysa Qabri-bayax iyo Araarso ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana uu ka dambeeyay, kadib markii uu rogmaday gaadhi nooca loo yaqaano laan-guruusalka oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaadhiga ayaa ku geeriyooday shilkaas, halka tirro intaas ka badan ay dhaawacyo soo gaareen, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Caafimaad.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa tegay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaasi oo sheegay in gaadhiga rogmaday markii horey loo waday si xawaare sare oo markii dambe keentay inuu rogmado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker