Minneapolis: Wiil Maandooriye si xad dhaaf ah u isticmaalay oo la badbaadiyay

Waxaa maanta magaaladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa Shaqaalaha caafimaadka gargaarka deg-dega ah iyo kuwa dab demiska ay badbaadiyeen wiil Soomaali ah oo qaatay Kiniinadda macmalka ah ee loo yaqaano Fentanyl.

Waxaa qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota fara kulul ku haya oo ay la tacaalayaan isticmaalka maandooriyayaal kala duwan oo halis ah. Kiniinka macmalka ah ee loo yaqaano fentanyl ayaa sabab u noqday in ay dhallinyaro baddan oo gabdho iyo wiilalba isku jira u dhinteen.

Haddaba nasiib wanaag wiilkan ayaa isla markiiba loo soo gurmaday, lana badbaadiyay. Arrintan ayaa maalin cad dhacday. Qof kamid ah dhallinyadada wiilka dul taagan ama ku dul meersysanaya ayaa sheegay in uu wiilku qaatay kiniinka fentanyl-ka. Waxaa wiilka loola cararay oo loo qaaday Isbitaalka Hennepin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker