Raisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abye Ahmed Ma Ku Guulaysan Doonaa Hawlgalka Milatari Ee Gobolka Tigray Mise Isaga Ayaaba Halis U Ah In Uu noqdo Gorbjev-kii Itoobiya?
Qaybtii 2aad
Qaybtii hore ee maqaalkan waxaynu gunaanadkiisii ku soo qaadnay sadex sinaariyo oo laga yaabo in natiijada dagaalka ka socda Tigray ay mid uun ku dambayn karo. Sinaariyhii koobaad ee ahaa in hawlgalkan milatari uu xaqiijyo ujeedadii ay dawladdu ka lahayd “in maalmo yar gudahood lagu soo qabqabto madaxda Gobolka Tigray ee ka falaagoobay Dawladda Federaalka si maxkamad loo hor geeyo, isla markaana ciidamada TPLF marka lagu jebiyo dagaalka ay is-dhiibaan hubkana tiiriyaan”, sheekadi maalmo way dhaaftay dagaalkina todobaadkii afraad ayuu marayaa umana eka mid ku dhamaanaya maalmo iyo todobaadyo ee waxa laga yaabaa in dagaalku socon doono xataa bilaha soo socda.
Sidaa daraadeed waxa la odhan karaa sinaariyihii koobaad waa laga soo gudbay kii labaad ee isaguna ahaa in Abye Ahmed uu fakaro mar iyo mar kaleba kuna qanco in dagaalka la joojiyo xalkuna noqdo miiska wadahadaka laftiisa ayaan ilaa hadda muuqan. Abye Ahmed wuxu si cad u sheegay in aanu wax wada hadal ah la geli doonin kooxda qarandumiska ah ee TPLF, in kasta oo baaqyo badani ay kaga yimaadeen dhinaca bulshada caalamk in dagaalka la joojiyo wuxu ku adkaystay in aanu ogolayn cid soo farogelisa arimaha gudaha ee dalkiisa. Taas oo markaa u muuqan karta “ninkii rooni reeka ha u hadho uun”, reer loo hadhayaana in uu jiri iyo in aanu doonin Allaha Yaclam.
Wararka goobaha dirirta iyo xaaladda dadwaynaha ku nool gobolka Tigray ee dhan kasta laga go’doomiyay xaqiiqada si dhab ah looma oga oo ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijisay waayo dawladda ayaan ilaa hadda u ogolayn warbaahinta madaxbanaan guud ahaanba gobolka Tegray. Inta badan wararka ka soo baxaya gobolka Tigray waa kuwo laga soo xigto dhinaca dawladda oo guulo badan ay ku sheeganayso mararka qaarkoodna isburiiya loona qaadan karo dacaayado inta badan ay u adeegsanayso dagaalka dhinaca niyadda “psychological warfare”, oo mar ay ula jeedo niyadjebinta ciidamada cadowga oo laga yaabo in aanay haysan isgaadhsiin ku filan. Mar kalena ay ku shaki gelinayso dadka qoomiyadda Tigray si aanay taageero u siinin ciidamada TPLF. Mar sadexaadna ay ula jeedi karto dadwaynaha Itoobiya iyo ciidamadeeda si ay kor ugu qaado mooraalkooda. Mar afraadna laga yaabo in ay tahay fariin ay kaga jawaabayso baaqyada bulshada caalamka ee ka dayrinaya xaaladda dagaalka iyo dhibaatooyinka ka soo gaadhaya dadwaynaha rayidka ah.oo la og yahay in khasaaraha ugu badani uu iyaga ka soo gaadho werwerna laga qabo in masiibooyin dhinaca bini aadminimada ah iyo xasuuq ka dhaco.
Marka aynu qiimayno wararka goobaha dagaalka ilaa hadda gacanta sare waxa leh TPLF oo ciidamadeedu ay ka badbaadeen in khasaare wayni ka soo gaadho goobaha dirirta hadana khasaare badan gaadhsiiyay ciidamada dawladda. Ilaa hadda ciidamada dawladdu guulaha ay tirsan karaan waxay ku kooban yihiin magaalooyin ay ciidamada TPLF xeelad dagaal dib uga gurteen oo ay galeen, kuwaas oo weliba qaarkood dib looga qabsaday.
Ciidamada TPLF ilaa hadda khasaaraha ay gaadhsiiyeen ciidamada dawladda, in kasta oo aanay jirin cid si madaxbanaan u xaqiijisay, hadana madaxda TPLF iyagu waxay sheegeen in weeraro ka naxsi ah (surprise attacks) ay ciidanka dawladda kaga burburiyeen qiyaastii laba ilaa sadex gaas oo gebi ahaanba ka baxay saaxadda markii ay noqdeen wax la dilay, wax dhaawacmay, wax maxaabiis ahaan loo qabqabtay iyo wax firxaday oo laga yaabo iyaga laftooda in ay adag tahay sida ay ku badbaadi karaan. Khasaaraha nafeed uun maah hubka ay ka burburiyeen iyo ka ay qabsadeen ayaan yarayn iyaguna.
Wararka ka soo baxaya dhinaca Tigraygu Dagaaladaa mid keliya mooyaane inta kale ciidamada TPLF iyaga ayaa weerarka ahaa taasi waxay sheegaysaa in gacanta sare ee dagaalka ay iyagu leeyihiin waayo dagaalka gacanta sare laguma kasbo difaac meel la yuururo. Dhinaca weerarka ahi waa ka isagu yeedhiya goorta uu dagaalku dhacayo iyo halka uu ka dhacayo. Goobta keliya ee TPLF ay madaxdoodu shaagtay in si adag ay u difaaci doonan waa caasimadda Tegray ee Maqalle. Sida ay u difaacayaan Maqalle maaha si ay ka fakarayaan ciidanka dawladdu ee waa si iyagu ay garanayaan. Sida uu xaqiijiyay suxufi dhex jooga Maqalle oo BBCdu ay wax ka waydiisay xaaladda Maqalle ilaa shalay waxay ahayd caadi ciidamada dawladduna wuxu sheegay in 95Km ay u jiraan. Markaa wararka odhanaya waxay u jiraan 20km waxba kama jiraan. Xataa hadii ay doonaan in goobo magaalada ah ama ku dhaw ay duqeeyaan keliya waxa u furan duqayn cirka ama gantaalaha surface to surface ah ay u adeegsadaan oo laga yaabo in ay u geystaan khasaare naf iyo maalba leh dadwaynaha magaalada oo lagu qiyaasay nus malyuun taasina way og yihiin Qaramada Midoobay iyo haya’daha xuquuda aadanuhuna way uga digeen oo waxay noqon dembiyo dagaal oo laga galay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Markaa bal ha la eego oo ha la sugo in 95Km oo difaac adag ay ciidamada TPLF kaga jiraan ay ka gudbi karaan ciidamada Dawladda ee Abye Ahmed uu siiyay amarkii ay ku geli lahaayeen Maqalle ee ay ku soo qabqaban lahaayeen madaxda gobolka Tegray. Dagaalka markaa Abye Ahmed wuu wadayaa khasaaruhuna wuu sii bdanayaa.
Abye Ahmed tu waliba u daran hadii uu dagaalka joojiyo iyo hadii uu sii wado labadaba. Xaalkiisu markaa waa maskii qorotada qabtay ee la yidhi “hadii uu liqo u daran oo wuu ku dhiman hadii uu sii daayana u daran oo wuu indho beeli.” Markaa ha qaniinsanaado uun ilaa ay naftu ka baxayso. Markaa xaaladda Itoobiya hadii xal dhakhso ah oo aan runtii muuqan la gaadhi waayo halka ay ku socotaa waa sinaaryihii sadexaad iyo in dagaalku isu rogo dagaal sokeeye oo qoomiyadaysan kaasina waa sinaariyihii sadexaad iyo burburkii Itoobiya
Waxa qoray, Caligurey