Super Market Ka Shaqeeyayaal Tagsiiyaal Iyo Tahriibayaal   Ma Buuxin Karaan Kaalinta Dimplomacy Ee Soomaliland U Baahantahay?

Waxaa iska noqday iga gee iyo hebel ku qanci waa kii ku taageerayay markii aad  xisbi hebel ama hebel is hayseen ama qabiil hebel isaga gufee kaalintaa banana, waxay taasi dib u dhac ku keentay iyo burbur aan lagasoo  waaqsan siyaasadii guud ee Somaliland oo noqotay biyo batalqsi iyo mid aan loo miidaan dayin haba yaraaatee. taasi oo gacanta u gashay dad noocaas ah kuwaasoo guud ahaan aan lahayn haybad hogaamineed karti waxqabad faham siyaasadseed iyo hab  maamul oo aanay haba yaraatee  fikrad ka haysan qaabka dawlad loo maamulo  taasina ay keenayso in ay xanbaarsanaadaan uun title madhan iyo mushahar ay meesha ku sugaan intii ay u martaana sugto fursad ah in ay maalin uun la geeyo meel uu wax ka dhufto hadhowna ina yidhaahdo maanta ayay isoo martay fursaddii oo guri wayn ayaan  ka iibsaday Ankara ama Istanbul  kaasi oo ku biira xaaafada Booli qaran ee noqotay tuke baal cad taasi oo ay yiqaanaan cid kasta oo Turkey mar uun tagtay. Kuwaasi ayaa u noqday hoggaan soomaliland, markaasay dhan walba ka jabtay oo ay yuurarsatay Somaliland dii hore u socon lahayd 30 sano.

Intii uu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu yabyabay 30 sano ku dhawaad ka hor oo ay kuugu celcelinayaan uun  waxaynu haysanaa nabad, waxaynu dhaannaa Muqdisho iyo eeg waxa ka socda hareeraheena. Halbeegga cabirkooddu waa intaa, ilmihii maalintaa dhashay waa 30 jir ama ku dhawaad oo caruur iyo xaasba waa yeeshay intii aynu filinkaa ku soo ceshceshanaynay. Sidii Jumjalaalaajum oo ahaa film qol ku raag ku noqday National Cinema hii hore ee Hargaysa kaasi oo ku soo gabagaboobay. Faiidada kalaiya ee uu lagu qabayna ay ahayd in marka la waayo Filim cusub oo la dhigo lagu soo celceliyo uun,  isagoo caan ka noqday Hargaysa oo dhan. Film kani waxa uu yaali jiray qolka yar ee filmka laga daari jiray kaasi oo laga dhigi jiray habeen kasta oo la waayo film cususb oo dadku ku maaweeshaan. Muddo kadib waxa uu  iska noqday waxa dadkii soo gaadhay ay ka dhigtaan wax ay ku riwaayadsadaan’ oo marka qof soo eego boodhkii lagu soo dhajin jiray hadba filmka habeenka ka socda National Cinema markuu uu qofku soo arko in Jaumjalaalaajum caawa la dhigi doono, kan ku soo hungooba ayaa qofka kale ee aan ka war qabin waydiiya kaa ku soo lug go’ay “waar maxaa ku dhagsanaa?” xayaysiiski caawa kaasi oo ka kalena ugu werceliyo isagoo ka xun waqtiga kaga lumay soo ogaanshiiyaha filimka caawa la dhigi doono “waar waa Jumjalaalaajumkii aan kunka goor galay .”Taasi oo ku kallifi jirtay in uu ka kalena yidhaahdo haayo wax kale ma hayaan  waa in ay isaga uun inoogu soo celceliyaan waa gartood.

Sidaa waxa ka dhigan kuwan iskugu keen sheega inay yihiin siyaasiyiinta Somaliland, oo aan lahayn  haba yaraate wiqiyad waayo aragnimo iyo hogaamin siyaasadeed ah oo ay inagaga kasbadaan  inay yihiin siyaasiyiin.  Haddiiba ay noqoto habka  wax loo maamulo ama aqoon siyaasadeed oo ay ku fuliyaan hawlaha hortoodda yaala maalin kasta. kuwaasi oo ka hor intii aaanay ku soo halabsan kuraasida ay sida siloon ku yimaadeen oo ah hab qabaliya ama nin jeclaysi iyo wax la mida , si kastaba ha ahaate kuwaasi ayaa waxaa wanaagsan in loogu caqli celiyo hebelow inaan siyaasi lagu noqon magacaabis. Taasi tu la mida ayaa loo laqimay amiiraddii Dianna Spencer 1996kii, ka dib markii ay calmatay in laga dhigo safiirkii u fadhiya UK dalka Arjantiin waa ayse ku gacan saydhay xukuumadii Raysal wasaare John Major oo xiligaa talada haysay, iyada oo ku sababaysay inaanay lahayn haba yaraate  wax waayo aragnimo siyaasadeed guud ahaana iyo gaar ahaana tan Diblomacy looga baahan yahay qofka loo magacaabayo jagadaasi taasi oo ay aad u qaadaa dhigeen warbaahintii UK xilligaa. Laakin Dianna waa ay uga garaabeen in aanu xilku ahayn wax qof ama qofaf caana loo dabo fadhiisto ee uu yahay mid loo calmado cid wax ka garanaysa oo leh kartiidii waayo aragnimadii ku filnayd in qofkaasi inuu qarankiisa guul uga soo hoyn karo xilkaasi. Xilku ma aha mid si dhayal-dhayal ah oo sida muraayaddii la iskugu daawado, balse waa mid loogu adeego bulshada xilalka leh ee ay tahay in goor kasta iyo goob kasta loogu adeego xilkoodda ay iyagu huwiyeen kuwaa aan kor ku soo xusay.

Aan u soo noqdo Amiira Dianna Spencer, taasi oo aan kor kaga soo sheekeeyay iyada iyo wixii kala qabsady dawladdii UK 1996, halkan Somaliland waxaa ka jirta taa ka soo horjeedkeeda (opposite). Waxaa siyaasi lagu noqdaa; qof reer hebel ah ama qof hebel oo kursiga kaadidiisa u soo cabay, jiib iyo sacabna la daba oogsaday xisbi hebel iyo wax la mida. Qof tahriibe ah oo dalalka galbeedka mid  soo cagadhigtay ka dib rafaad iyo is miidaamin baddeed oo dheer ama mid kale oo ka shaqeeya Supermarket amase taksiile muddo ku qolof dhacsaday wadamadaa galbeedka sida Cabdifataax Siciid Axmed kaasi oo ka hor intii aanu naftiisa ugu yeedhin siyaasi oo ku macaashay hanjabaado uu hawada u mariyay xukuumadii siilaanyo isaga oo kaashanaya saaxiibkii Qabo kaasi oo markii danbena siiyay naanaysta ah Caws Iyo  Biyo ku nool, waxaa uu kolba geed isku toosiyaba Cabdi Fataax Siiciid Axmed isagoo marar bandanna baryay xubnihii ururkii SSE ee uu aasaasay Iid Cali Salaan inuu ku baryootamay in guddoomiyre looga dhigo isaga oo aan soo marin jaranjarooyin xisbiga, balse oo ay ka qabsatay uun  bal in uu maruun uu ku guulaysto (Title) ama darajadda ah guddooyimiyaha ururka SSE, inkastoo aanay taasi u suurto galin. ka dibna waa uu ka huleelay iyadoo isku daygiisii danbe ee ahaa hanjabaadihii Siilaanyo uu ugu shaqeeyay loona magacaabay title ah Agaasimaha Hayadaha Caalamiga oo ahaa Title iska waraabe taag ah, oo oday Siilaanyo ay isku tustay bal in uu iskaga aamusiiyo. Halka uu Qabo na ku gufeeyay wasiir wax ma tare ah. Ka hor Cabdi fataax Siciid Axmed intii aanu gashan shaadhka siyaasada silloon ee Somaliland waxaa uu taxsiile ka ahaa London sidii ay warisay Haatuf intii aan albaabada loo laabin.

Waxa kale oo kuwaa siyaasiyiinta  siloon ee Somaliland ku macaashay ka mida kuwo supermarketyo ka shaqeeyayaal ah  oo laguugu sheegayo in uu xambaarsan yahay (title)  ama darajo ah Safiir Somaliland ama Taksiile kale oo u fadhiya wadan hebel. Ma aha wax lala yaabo in qof wadamadda Galbeedka ku nooli ka shaqeeyo shaqo (low skill) ah, waayo ma’aha wax si fudud aad ku heli karto shaqo kasta oo aad doonto ilaa iyo in aad u haysato takhasus (qualifications) mooyaane oo meeshu ma aha Afrika iyo iga gee, waxaase habboon in loo eego in qofka loo magacaabayo xil u haysto qualifications ka shaqaddan siyaasadeed ama waayo aragnimo ugu yaraan in xilka loogu dhiibo Somaliland qudheedda.  Waxaa is waydiin  leh sidee ayuu u noqonaya (diplomatic) qof super market inuu ka   shaqeeyo aad ku ogayd todobaadyo ka hor oo aad ku soo miiraabto uun waa siyaasi iyo waa wasiir ama waa Safiir, kaasi oo xilkaa siloon ka hor ahaa mid  dalalka galbeedka deganaa ama taksiile ahaan jiray amase tahriib ilaahay ka soo badbaadiyay iyo biimihii uu naftiisa u soo galay in uu mar uun  wadamada galbeedka cagaha soo dhigo. Waxa yaab ah Tahriibe,Taxiile ama Super market ka shaqeeye noqday siyaasi rug caddaa ah ama Safiir sida Cabdi-Fataax Siciid Axmed oo Jibuuti inooga ah Safiir Dibiray oo ay tahay inaynu ka daba jiibino “Hooyaddaa nin bay dhashay.”

Waxaana iska caado ah in Wasiirka Arimaha Dibaddu kuu magacaabo Safiir ama Wakiil ka dibna aad ka soo dagto Hargaysa gegadda diyaaraddaha ee Cigaal oo aad la sii hadasho asxaabtaadii iyo odayaashaada oo ay ka mid yihiin Cuqaal, kadibna ay halkaa kugu soo dhaweeyaan  ka dibna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku siiso aqoonsi ama ruqso wakiilka Somaliland ee dal hebel iyo heblaayo, ka dibna  aad sidaa ku hanato title Ambassador hebel oo dawladda Somaliland  u fadhiya wadan hebel. Ninkani habayaraate ma haysto sharciga dibloomasi ee aduunku ku yahay heshiiska (Diplomacy immunity) kaasi oo adduunku u aqoonsan yahay, waana sharicga ay soo hoos galaan dadka dibloomasiyiinta ahi oo siinaya xasaanad iyo protection ay huwanadaan inta ay ku nool yihiin dalalkaa ay Wakiiladda uga yihiin wadamadoodda. Laakiin inaga kuweenu waa qof caadiya oo ku nool uun dalkaa la inoogu sheegayo inuu wakiil inooga yahay sida muwaadinka kale ee reer Somaliland ee halkaa ku nool mana laha wax xasaanad iyo protection ah, ilayn ma aha Safiir dalkiisu haysto aqoonsi dal madaxbanaane.  Safiir aan cidina aqoonsanayn waxa uu yahay, mid markii horena shaqooyinkaa aan soo tilmaamay ama kuwo la mida haysatay ka dib u diga rogtay inuu Somaliland u jilo safiir bug ah (Shambolic) Oo isaguuni xambaarsan yahay title aanay aqoon sanayn dawladda uu dalkeeda joogo oo ay dhici karto inuu mararka qaarkood yahay mid aan ku lahayn sharci daganaanshiyo oo uu dalkaasi ku daganan aado ama aan luqadda dalkaa lagaga hadlo aan aqoon.
Aaan ku soo dabaalo Maqaalkan supermarket ka shaqeeyayaal ama tahriibayaal ama taxiilayaal ma noqon karaan siyaasiyiin  diblomaasiyiin guulo uga soo hooya wadamada ay ku jilaan title ka bugta ah. Mise waa ku tagri falidda lacagta cashuurta ee ay ka arradan yihiin dadka reer Somaliland. Waa habeenkii xalay ahaa ee tagay inay guul u soo hooyaan dalkeena rag wadamada ay joogaan ay u aqoonsan yihiin muwaadin caadiya, Somalilandna loogu wanqalo safiir hebel iyo ambassador heblaayo kuwaasi oo ah dhamaantood Shambolic. Dalkuna waxa uu u baahan yahay aqoonsi uu ku noqdo dal madaxbanaan oo sidaa ku yeesha safiiro ama wasiiro iyo Madaxwaynayaal ama Madaxwayne ku xigeeno dhaba oo adduunku isku raacsan yahay inay matalaan dal Madaxbanaan oo la yidhaa Somaliland. Haddii kale waxa aynu isku sheegaynaa waa been mudo 30 sanno ah iyo madax bug ah oo ma dhalays ah, ahaana doona mudo 30 sanno oo kale ah.

Qore: Cabdi Muhumed
Cabdimuhumed60@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker