Farmaajo iyo Fahamka Hargeysa!

Nin oday ah, oo ragga Muuse Biixi ay isugu dhadhowyihiin ka mid ah ayaanu habeen dhawayd tel ka isku helnay. War waa iska badnaa ee waxyaalihii aan soo qaadnay, xoog na runtii yaab u lahaa waxa ku jiray, faafaahin aan ka waydiiyay sababtii uu maalintii dhawayd saaxiibkii u ga caytamay xabaasha dusheeda oo qodob ah, iyo qodobka kale oo ahaa waxa ay ku salaysnayd la safashadii Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Fadaraalka ah ee Soomaaliya. Qodobka hore wuu ku qoslay uun oo jawaab sidaas ah ma iga siin – wuxu yidhi odayga caadifadda ayaa ka tan badata mararka qaarkood. Qodobka dambe se waxa uu yidhi, odaygu waxa uu qabaa, amaba halkan aanu uga fikirnaa caam ahaan, in Farmaajo uu Somaliland cadaw ku yahay, Cabdi Xaashi oo hormuud u ah inta Farmaajo ka hor jeeddaa na, uu Somaliland wanaageeda ku maqanyahay. Sidaas bay ahayd, laakiin dadku si kale ayay u arkeen buu igu yidhi. Sida ay dadku u arkeen ee uu sheegayaa waa in uu Muuse waday uun hiil qabyaaladeed ee aanay amuur siyaasad qaran ku salaysan ahayn.

Si kastaba, hadiiba gees la iska dhigo sidan dadku u arkay ama loo qaatay, oo runtii dooddo badan oo fahamkaas xoojinayaa na ay jiraan, hadana amuurta wax ka dhihista u baahani waa doodda ah Farmaajo iyo intii la dhinac ah ayaa Somaliland ka hor jeeda, Cabdi Xaashi na waa wiilkeenii oo dan baa inoogu jirta mawqifkiisa. Doodda taas ahi ma  aha mid cago ku taagan. Keliya waa hadal la iska yidhi oo aan waxbaba ku salaysnayn. In ay sidaas tahay waxa aad ku fahmi kartaa, hadiiba aanad meel kale ba eegin, Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne Farmaajo waa laba qof ooh hal nidaam ku wada jira, oo hal distoor na ku wada dhaartay, kuna shaqaynaaya.

Distoorkaasi waxa uu sheegayaa in dawladnimada Soomaalidu ay mid keliya tahay, in la kala gooyaa na ay reebbantahay. Xaashi iyo Farmaajo waxa ay ka simanyihiin, oo xoog u ga go’an, sidii midnimada dalka ay madaxda u yihiin loo xoojin lahaa, khilaafka hadda u dhexeeyaa na waa mid maamul iyo farsamo, taas na cid kastaa waa ogtahay. Dabcan taasi waa mid cid waliba ogtahay, isla sababtaas uun baanay tahay sababta Muuse loogu arkay waxa ka dhawaajiyay in uu yahay uun dareen toliimo, kaas oo ka fog talo siyaasadeed. Marka la isku soo wada duuubo, Muuse hadii ay ka ahayd sida dadku u qaatay iyo qabiilnimo na waa hogseeg, hadii ay siyaasad ka ahayd na, waa ambadnimo siyaasadeed. Laba gooro ba waxa uu fadhiyaa baarkinka u hooseeya.

Laakiin geesta kale, sida saaxiibkay ba uu sheegay, ee Muuse iyo guud ahaanba degmada uu joogo ka soo wariyay, waxa jira faham noocaas ah, oo Farmaajo iyo hebellada kale kala xigsanaaya. Sidaas waxa qabay qoloHargeysa ka timid oo qaarkood aan Nairobi kula kulmay dhawaan, kuwaas oo ka qayb galaayay shirkii beelaha Direed lagu magacaabay. Farmaajo waa Daarood, Somaliland na dagaal buu kula jiraa, sidaas darted waa in aynu ka hor nimaad ayay yidhaahdeen. Runtii dood jaban ayay ahayd, mana istaahilin jawaab ka badan in lagu qoslo. Waa dood siyaasad ka madhan, waana dood aan la soo shirabin intii aan banaanka loo soo saarin. Waxa ay moogyihiin Farmaajo cidda dagaalka u wayni uu kala dhexeeyaa ba ay tahay labada maamul goboleed ee ku isman magaca Daarood – Kismaanyo iyo Garoowe.

Waxa ay kuwaasi moogaayeen, oo hadda na uu Muuse moogyahay (waa marka laga duulo sida uu saaxiibkii iiga sheegaye), in kursiga madaxnimada ee Muqdisho nin kasta oo ku fadhiistaba, cidda uu doono ba ha noqdee, ay Somaliland is hirdiyi doonaan. Taasi waa lama huraan, waliba lama huraanimadaasu waxa ay sii kululaanaysaa mar kasta oo dawladnimada Somaliya ay sii xoogowdo, mar kasta oo ay daciifto na, waa qaboobaysaa. Arrintu ma aha mid ku xidhan shakhsi ama reer, waa mid ku xidhan siyaasad iyo sharciyad calami ah. Sidaas darted, inta shakhsiyaadka iyo reeraha la iska dhaafo, waa in laga tashado siyaasadda iyo sharciga caalamiga ah wixii laga yeeli lahaa. Koleyba se siyaasiyiinta Somaliland, ee Muuse koow ka yahay, ee kuwii aan Nairobi kula kulmay ay ku jiraan, marnaba in ay taas gartaan laga sugi maayo. Adhigii baa nalaga xanibay, iyo hawadii baa nalaga xanibay, iyo dhaqaalihii baa nalaga xanibay, maxaa yeelay waa nala necebyahay uun weeye dooddoodu, dooddaasi na ma aha mid xal keeni doonta. Keliya waa maaweelo caruureed.

 

 

WQ: Maxamed Haaruun Biixi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker