”Talaabadda Tigrey Tabaabushey ina faraysaa”. Waxa Qoray GARYAQAAN Ahmed Nour Guruje

Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa kansal garyey fadhi loo balansanaa in uu kaga hadlo dagaalka Gobolka Tigrey ka dib markii wadamadda Afrikaanka ah ee golahaa ku jiraa ay ku adkaysteen in aan Golaha Amaanku faragelin arrinta Itoobiya.
Sidoo kale, Madaxwaynayaasha Jabuuti, Ereteriya iyo Soomaaliya, ayaa sheegey in ay barbar taagan yihiin talaabadda raysal wasaarre Abby Ahmed ka qaaday gobolka Tigrey.
Dhinaca kale, Aduum e waynaha ayaa sheedda ka daawanaya dagaalka ka holcaya Gobolka Tigrey, ilaa hadeerna ma jirto wax talaabo ah oo beesha calaamku ka qaaday dagaalka ka socda Tigrey mudada ku dhaw sodanka cisho.
Sababta aduunyadu uga aamustay dagaalkan ayaana ah in xaaladda Gobolka Tigrey loo arko arrin u dhaxaysa wadan gudihii , sidaa darteed cid waliba waxay iska dhawraysaa in ay ku degdegto inay dhex gasho mashaqadda Itoobiya.
Sidaa markaky tahay, waxaa cadaana in aan Aduunku dhaqso usoo faragelin doonin qalalaase kasta oo ka dhex oogma Somaliland iyo Soomaaliya, muranka u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliyana wuxuu ka xeel-dheer yahay ka u dhaxeeya Maqale iyo Adis ababa, sababtoo ah kuwaasi waxaabay isla ogol yihiin in ay Itoobiya wada yihiin ,laakiin Hargaysa iyo Mogdisho intaas ayaanay islaba ogolayn oo khilaafkooduba ka taagan yahay, sidaa darteed Talaabadda lagga qaadey Tigrey waxay ina faraysaa tabaabushe, tabaabushahaas oo isugu jira mid Diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid ciidanba, mar xaladda cusub ee Aduunyaddu imika gashayna xeerka laggu dhaqmaa waa xoog.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker