Dagaalka ka alloosan gobolka Tigreega ee Itoobiya
Dagaalka ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya, ayaa waxa uu bilaamay afartii bishan kow iyo tobbnaad ee sannadkan aynu ku jirno, inkastoo labada dhinacba midba midka kale ku eedaynaayo in uu sharci jabin sameeyay, haddana wali ma muuqato in labada darafba ay u eegyihiin in ay dagaalka joojiyaan.
Tigreega oo qayb ka ahaa jabhadihii jabiyay dawladii Dhargiga sannadkii 1991, ayaa iyagu ahaa awoodii dalkaas ka talinaysay tan iyo ilaa 2018, oo xilka u yimiday raysalwasraha hada talada dalka haya oo isagu ka soo jeeda qoomiyada ugu badan dalka Itoobiya, waa Oramadee.
Ninkan 44ka sanno jira ayaa layimiday Itoobiya ka duwan tii Tigreegu maamulaayay, waxanu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ay dib u soo noqdaan dhamaan xubnihii mucaaradka ahaa ee dibada ku maqnaa, la heshiisiinta jabahadii dalka, fur-furka siyaasada dalka, xoriyada hadalka iyo mida ugu cuslayd oo ah in uu Erateriya ku wareejiyo dhulkii ay Itoobiya isku hayeen, una ku heley sannadkii hore abaal-marinta bilada nabada adduunka ee looyaqaan ( Nobel Peace Prize ).
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Tigreegu ay gantaalo ku tureen caasimada dalka ay jaarka yihiin ee Asmra iyo waliba sidoo kale caasimda maamulka Amxaarada ee Bahar-daar. Imika se raysalwasaraha Itoobiya Abyi Ahmed ayaa sheeganaya guulo in ay ka gaadheen dagaalka ciidanka Fadaralka Itoobiya, oo waliba ay u jiraan caasimada maamulka Tigreega ee Makalle, masaafo qiyaas ahaan ah 60 Kilomiter ama 37 Mayl.
Balse, hogaamiyaha maamulka Tigreega Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay “in uu Abyi rabbo dib-ugurasho xeelad dagaal oo ciidankiisa la wiiqay, wuxuuna intaa raaciyay in ay yihiin Tigreegu dad mabaadii leh, oo diyaar u ah in ay u dhintaan xaqna u leeyihiin sidii ay u difaaci lahaayeen maamulkooda.
Dhanka kale, Abyi ayaa sheegay Axadii dhawayd ” in uu u qabtay in maamulka Tigreegu isku dhiibo mudo saddex cisho ah, kuna daray in ay fulinayaan hawl gal sharci oo lagaga soo horjeedo koox khiyaamaysay wadanka, lana gaadhay marxaladiisii ugu danbaysay”.
Waxase, jira inta uu daagalku socday in ay ku dhinteen boqolaal qof, anay ku barakaceen ku dhawaad ilaa 40,000 qof.
Inakstoo ay jiraan ergooyin ka yimiday midowga Afrika rabana in arimaha la dhex-dhexaadiyo, uma se eeka in uu u dhago nugulyahay raysalwasaruhu.
Dagaalkani se, waa mid u eeg in uu qaybinaayo qoomiyadaha Itoobiya, oo ahaa kuwo marka horeba nidaam xoog badani isku hayay oo ay qoomiyada Tigreegu hor boodaysay, balse imika ay tahay in aaminadii dawladnimadu meesha ka baxayso inkastoo uu dagaalkani kudanbayn doono saddex arimood mid kooduun oo kala ah:
1: in haddii ay guulaystaan ciidanka Faderaalka Itoobiya, waa in ay u dhisaan maamul cusub si loo soo celiyo nabbada iyo kala danbaynta, inkastoo ay wali sii jiri karaan qul-qulotooyin daba dheerada oo aan deg-deg xal loogu heli doonin.
2: in ay adkaato in Makalle laga saaro ciidamada Tigreega oo ah caasimada maamulkaas oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyasay ilaa 500,000 oo qof, iskuna arka in maamulkoodu lagu soo doontay oo difaac ku jirra.
3. In haddii dagaalku si sahlan ku dhammaan waayo, inta dhex-dhexaadiyaal soo fara galiyaan oo ay suuro gal noqoto in nidaamka guud ee hada Itoobiya ka dhisan qaab kale loo dhigo, lana bad-baadiyo dalkaas.
Qore: Caynaan Farax Caynaan.
Hargeisa, Somaliland.