Dhacdooyinka ku Duugan Kala Saarista Beelaha ee Musharaxiinta Deegaanka iyo Wakiillada
= Kaalinta musharaxa Lacagta haysta: musharaxani kan ugu awoodda badan marka la eego ololeyaasha ka dhex socda beelaha. Wuxuu gacanta ku dhigay inta caanka ku ah ololeyaasha doorashada ee beelaha sida afmiishaariintii, muqayiliyiintii, balwaawi dumar, aqoonyahankii hayntiisu yarayd iyo odayaashii mafrishyada reeraha uga talin jiray. Wuxuu bixiyaan biil joogto ah, oo uu siiyo qof kasta oo beesha ka mid ah oo uu u arko inuu kaalin ka qaadan karo musharaxnimadiisa. Markay beeshu shirka isugu timaado si ay u kala saarto musharaxiinta farabadan ee reerka ka sharraxan, nin kasta oo goobta fadhiyaa way ku adkaataa inuu yidhaa hebel oo lacag siiyey ha reebo. Musharaxani wuxuu haystaa fikir olole oo hore loo soo tijaabiyey. Kaasi oo ahaa in musharaxiin badan oo lacag haysta ay lacagtoodii la tageen goobaha ay degan yihiin dadka barakacayaash ah ama danyarta ah, oo ay qof kasta siiyeen lacag dhan $200, ka dibna ay kitaab qur’aan ah ku dhaariyeen inuu maalinta doorashada u codeyn doono. Qof kastaa oo goobtan degani waa caydh baahan oo maalin la-nool ah, way iska qaateen oo dhaarteen sidiina way ku codeeyeen. Musharaxii codod farabadan oo weligii ku riyoon ayuu ku soo baxay.
= Kaalinta musharaxa xilka haya ee xoolaha ummadda adeegsanaya: musharaxani waa kan ugu saameynta badan ee beelaha kala furfura. Wuxuu xariif ku yahay sida lacagta ummadda loogu adeegsado in isaga mar labaad musharax ay beeshu u doorato. Maaha oo keliya lacag wuxuu faraqayaa, waxa weheliya dhulkii danta guud oo uu odayaasha iyo inta dhul doonka ah uu mid kasta baloodh ama waxa ka badan siiyo, isaga oo maca sharcigii u raacinaaya. Dhawaan waxa dhacday in nin musharax ah, sidoo kalena ka tirsan golaha deegaanka dalka, uu ka qaybgalay shir ay beeshiisu ku kala saaraysay musharaxiinta beesha. Ninkani wuxuu haystaa khibradii uu markii hore ku soo baxay, oo wuxuu hore u hantiyey odayaashii beesha u talinayey iyo aqoonyahankii baahnaa oo uu lacag farabadan ku rusheeyey. Markii shirkii ay soo wada fadhiisteen musharaxiintii kale iyo isagii meesha sii banaystay. Cod ayaa loo qaaday musharaxiintii, mise ninkii xilka hayey ayaa dhammaan loo codeeyey. Goobta muuqaallo ayaa laga duubayaa oo uu wato ninkan xilka hayaa. Musharaxiintii halkii ayey albaabka boobeen oo ay diideen codeyntii lagu soo shubtay odayaasha iyo aqoonyahanka baahan. Markii dembe oday kasta intuu ninkii xilka hayey lacag siiyey ayuu ku yidhi kol haddii ay beeshu aniga isku raacday in musharax noqdo, ordoo nin kastow wiilka aad adeerka u tahay ee reerka diidan soo xidh. Weli qaskaasi wuu taagan yahay beello badan dhexdooda.
= Kaalinta Qurbo jooga sharraxan: musharaxani wax badan kama fahansana sida hoose ee beelaha looga ololeeyo iyo munaafaqadaha hoose ee qofka lagu liido (Faji). Waxa ku xeeran kooxo u badan ardayda jaamacaddaha iyo dadka aan qayilin. Waxa ay wataan fikir musharaxnimo oo aad ugu dhaw kan dalalka ay ka yimaadeen oo kale ah. Markay goobaha beeshu isugu timaado ee arrinta musharaxiinta lagaga tashanayo yimaada ee hadalka la siiyo, waxaad la yaabaysay sida aanay ulaba haysan waaqaca iyo xaalada taagan. Hadalkooda waxa ay ku bilaabayaan in beeshu ay mab’da wax ku doorato, oo la iska iloobo shilimo qof laaluusho loo siiyo si ugu codeeyo musharax beesha ah. Doodaasina waxa ay taalla dalalka ka horumaray dhinaca laaluush qaadashada ee fikirka qofka iyo ballanqaadiisa wax ku doorta. Gabadh musharaxad ah ayaa dhawaan goob beesheedu shir ku lahayd ka dhex-tidhi “ anigu waxa aan soo darsay qaabkii olole ee Joe Baydhan”. Horta qaarkood waaqicinimada halkaasi ayey ka taagan yihiin. Markay intaasi yidhaahaan sacab badan ayaa u dhaca, waa se sacab munaafaqadaysan oo qalbiga kala jira kolba ka lacag haysta. Waa tii hore loo yidhi” Af wax cunay xishoo”. Qaarkood waxa ay weli fahmi la’yihiin in dadkan ay isugu darsantay baahi balwadeed (Jaad) iyo mid nololeed, oo kolba kay maalintii wax ka helayaan ay dhinaciisa raacayaan.
= Kaalinta musharaxa xayraanka ah: Kani waa kan ugu liita marka la eego kooxaha hore. Waayo wuxuu dhaqaale uu ku ololeeyo ka sugayaa beeshu inay u soo ururiso, taasina way adag tahay in dhaqaale buuran uu ka helo xubnaha beesha ee hayntoodu buuran tahay. Haddii uu la sharaxan yahay kuwaa sare gelin hore ayaa afka ciidda loo darayaa oo dhaqaale lagu muquuninayaa.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan,