Wasiir Shugri & Waxqabadkeeda Gobolka Daadmadheedh

 

 

Aniga oo ah Siyaasi Maxamed Ismaaciil Cawil ahna Guddoomiyaha garabka dhalliinyarada Xisbi Xaakimka Kulmiye ee Gobolka Daadmadheedh, waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta deegaanka Marwo Shugri Ismaaciil Xaaji Bandare oo ah runtii wasiir aad u qiimo badan oo u helan horumarka Gobolka Daadmadheeedh iyo gayiga Somalilandba.

Wasiir Shugri waxa aan ku hambalyeynaya toddobaad ka hor kolkii ay timi xarunta Gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne, oo dhagaxa dhigtay mashaariic badan oo ay ka mid yihiin Dhismaha Xarunta Cusub ee wasaaraddeeda oo ay goobtii hore cidhiidhi ku noqotay. Sida oo kalena ay soo kormeertay dhismaha Baanka oo imika uu ka socdo magaalada oodweyne, iyo sida oo kale Garoonka weyn ee kubadda cagta oo dhawaan dumay, taas oo wasiirraddu balanqaadday in ay xukuumaddu dib u dhisi doonto, taas oo imika la filayo in ay xukuumaddu fuliso hirgalinta dhismihiisa, lana sheegay in ay xukuumaddu  dib-u-dhiska garoonka ay ku bixin doonto lacag dhan 90kun oo doolar.

 

Waxa aan wasiiradda ku amaanayaa kaalinta ay ka qaadatay hirgalinta mashruuca weyn ee xaaxi oo ah mashruuca wax beerista ee ugu ballaadhan Somaliland kaas oo dhan xaddi ah 950 higtar. Waxa kale oo aan wasiirradda ku hambalyeynayaa sida ay uga qayb qaadatay abaarihii dalka ka dhacay, taas oo ay kaalin weyn ka geysatay sidii loogu gurman lahaa dadkii ku waxyeeloobay kuna xoolo waayay abaartii waagaas ina soo martay. Waxa kale aan ku ammaanayaa sidii wasiirku ay uga qayb qaadatay Soo saaridda Biyaha Gobolka Daadmadheedh oo imika gacanta lagu hayo, taas oo horraantiisu uu ka bilowday xarunta Gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne.

 

Ugu danbayntii, Gobolka Daadmadheedh isha qudhiyaata ee uu leeyahay waa wasiir Shugri oo ah qof u heelan Horumarka Gobolka Daadmadheedh, waxaanan bulshada Gobolka leeyahay la shaqeeya wasiirkiina iyo dawladdiina taas oo ah wadada aynu gaadhi  karno horumarka aynu  higsanayno inshallaah.

 

Siyaasi Maxamed Ismaaciil Cawil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker