Dhageysiga Wanaagsani waa Ilbaxnimo lays dheer yahay.W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Sadaxda waxyaabood ee kala ah : Indhaha,Afka iyo Dhagahu waxa ay ku yalaan dhamaan tood halmeel oo ah Madaxa,midkasta oo ka midiina waxa uu hayaa shaqo muhiim u ah nafteena,iyada oo ay u baahan yihiin dhamaantood in loo cadaalad falo si ay u gutaan hawsha ay nafteena u hayaan.

Afku marka laga tago in aynu wax ku cunno ama ku cabno waxa ugu wayn ee kale uu inoo hayaa waa in aynu ku hadalno.
Indhahu waa shayga kaliya ee aynu wax ku aragno.
Dhagahuna waa Aalad aynu wax ku maqlno.
Hadaba hadii aan midkasta xaqiisa aan la siinin, isla markaana aan loo ogolaan in uu waajibkiisa sida ugu fiican u gudan waayo waxa inaga naf ahaanteena inagu dhacaaya isu dheelitir la’aan inagaga timaada sida aynu u nool nahay ama u qaabaysanahay fikirad ahaan iyo bulsha ahaanba.
Waxa aan hubaa oo marag madoona in qofkasta oo inaga mida isla markaana Soomali ahi uu xaqiisa iyo mid dheeraada uu siiyo dhanka hadalka iyo Aragtida ay dhacdana in aynu mararka qaar Afka iyo Jaleecadaba aynu dayn wayno.
Balse dhanka dhegaysiga iyo fahamka waxyaabah laga hadlaayo ama qofka ku horjoogaa uu kuu sheegaayo  in aynu dhegaysanaa waa mid aad inoogu yar dadka qaarna aanad ku arkaynba.
Dhageysiga macnahiisu waa in qofku uusan ka qayb qaadanaynin hawsha ka socota labada dhegood iyo shaqada ay hayaan.
In aad wax dhegaysataa waxa ay qayb wayn ka tahay in aad jawaab waafiya ka bixin karta waxa laguu sheegaayo .
“Dhageyso wax ka badan intaad hadasho oo ha carqaladeynin inta qofka kula hadlayaa fikir kiisa dhamaysanaayo”
Dabeecadaa ha layska daayo.
Khadar Ibrahim Aar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker