Bogaadinta Daadmadheedh, ka maydho wixii..
Aad baanu ugu faraxnay in gobolka Daad madheedh uu qaaday koobkii ciyaaraha gobolada, inkastoo gobolada qaar la soo dhoodhoobay hadana way dhaqaajin waayeen maacidda Togdheer.
Waxaan iyagana bogaadinayaa gobolka Saraar oo wacdaro ka dhigay Oroddada Soomaalilaan iyo Maroodi jeex oo Baasketka qaaday.
Waxay naga maydhay Muuqaalkii Madaxweynaha oo derajooyin ciidan ku bixinaya kuliyad ay u bixiyeen mujaahid C/laahi Askar, oo ay malxiis ka ahaayeen Sarreeye gaas Taani iyo Sarreeye gaas Shaqale, goob joogna waxaa ka ahaa Shan kornayl oo isla xaafaddaas ah. Lama soo hadal qaadin mujaahid Lixle oo badbaadiyey mujaahid Askar isla markaana ku shahiidey dagaalkii Burco duurrey oo ahaa gudagalkii ugu horreeyey ee mujaahid ka dhex dagaalamo Soomaalilaan isagoo fulinaya howlgal ciidan oo ka ballaadhan tabta ciidanka ee loo yaqaan ku dhufo oo ka dhaqaaq.
Bashiir Tarabbi Google,
Burco, Soomaalilaan.