Caasimada Eritrea oo La Duqeeyay

Dhowr Gantaal ayaa Xalay la soo sheegayaa in lagu weeraray magaalada Asmara ee dalka Eritreya .

 

Saacado ka dib markii maamulka Tigray uu ku hanjabay Dhowr Gantaal ayaa caawa la soo sheegayaa in lagu weeraray magaalada Asmara ee dalka Eritreya saacado ka dib markii maamulka Tigray uu ku hanjabay inuu weerarayo.

 

 

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in isla Xalay gantaalo kale lagu weeraray magaalada dekeda ah ee Muwasac, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weeraradan.

 

 

Saddex gantaal ayaa la soo sheegayaa iney ku habsadeen garoonka dayuuradaha Asmara iyo xarunta Wasaarada warfaafinta dalkaas, iyadoo korontadii ay ka tagtay magaalada.

 

 

Dad ku sugan asmara ayaa sheegaya in magaalada uu ka jiro jahwareer iyo khal khal xoogan, iyadoo xaafadaha qaarkood ay dadku ka cararayaan cabsi awgeed.

 

 

Maamulka Tigray ayaa ku eedeeyey dowlada Eritreya iney qeyb ka tahay dagaalka dowlada Itoobiya ku soo qaaday gobolkooda, iyadoo dhinaca kale dowlada Eritreya aysan ka hadlin weerarkan. weerarayo.

 

 

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in isla caawa gantaalo kale lagu weeraray magaalada dekeda ah ee Muwasac, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weeraradan.

 

 

Saddex gantaal ayaa la soo sheegayaa iney habsadeen garoonka dayuuradaha Asmara iyo xarunta Wasaarada warfaafinta dalkaas, iyadoo korontadii ay ka tagtay magaalada.

 

 

Dad ku sugan asmara ayaa sheegaya in magaalada uu ka jiro jahwareer iyo khal khal xoogan, iyadoo xaafadaha qaarkood ay dadku ka cararayaan cabsi awgeed.

 

Maamulka Tigray ayaa ku eedeeyey dowlada Eritreya iney qeyb ka tahay dagaalka dowlada Itoobiya ku soo qaaday gobolkooda, iyadoo dhinaca kale dowlada Eritreya aysan ka hadlin weerarkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker