Hay,adda UNicef oo Malaayiin Lacag ah ugu Deeqday Maamulka.Puntland

Garoowe (OWN) – Hay’adda caruurta u qaabilsan QM ee UNICEF ayaa ku dhowaaqaday lacag malaayiin Dollar ah oo ay ugu deeqyso maamulka Puntland.

Lacagtan oo gaadheyso $2.9 milyan ayaa sanduuqa caruurta ee Qaramada Midoobay, UNICEF wuxuu shaaciyey inuu ku Taageeri doono horumarinta waxbarashada Puntland.

 

 

Sidoo kale Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in wasaaradda waxbarashada Puntland iyo bahda kale ee waxbarashada ay iska kaashan doonaan kordhinta helitaanka sinnaanta waxbarashada,

 

kor u qaadista tayada waxbarashada iyo xoojinta nidaamyada maaraynta waxbarashada ee Puntland.

 

 

UNICEF ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in dhaqaalahan lagu qalabeyn doono iskuullada iyo macalimiinta.

“Lacagtan Cusubi ma caawinayso oo keliya in Carruur badan la siiyo fursad ay ku aadaan iskuullada laakiin waxay sidoo kale ku qalabaynaysaa Aqoonta iyo xirfadaha ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan nolosha,” ayuu yidhi  Jesper Moller, Wakiilka UNICEF Somalia.

 

 

Hay’adda UNICEF ayaa dhaqaalahan ka heshay sanduuqa iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada, iyada oo lagu taageerayo kaabayaasha muhiimka u ah waxbarashada

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker