Abtirsiinta Beesha Muxumed
Muxumed waa: Muxumed Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe.
Muxumed waa: Maxamed Abokor, oo waa Habar Jecle, oo waa Isaaq, oo waa Dir.
Muxumed waxa la dhashey:
Iidle Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
Shirwac Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
Ismaaciil Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
Cali Aadan Cabdille Ugaadh Aadan-madoobe
Muxumed waxa uu haddeer ku dhex-milan yahay beesha Warsangali, oo Sanaag ayuu badankiisu deegaan ku yahay. Muxumed, sidii Surre, Biyo-maal, Gaadsan iyo Awr-maal uma aanu sii fogaanin; oo deegaan durugsan uma aanu qixin; oo badankiisu waa reer Sanaag.
Sida taariikhdu sheegtey, dagaalkii sokeeye, ee qarnigii 19aad, ee saldanaddii iyo xadaaraddii Aadan-madoobe lagu burburiyey, ee lagu baabiiyey, ee afarta jihood Aadan-madoobe loogu kala qaxiyey, ayaa Muxumed-na galaaftey, oo – nasiib darro – Warsangali u gacan-galiyey.
Alla ha u naxariisto’e, Garaad Maxamuud Cali Shire, ayaa Muxumed soo dhaweeyey, oo markii hore dhaqan ahaan Warsangali ula mideeyey. Laakiin markii danbe, oo dhawaan uun ahayd, ayaa Muxumed la Warsangaliyeeyey, oo la Hartiyeeyey, oo la Daaroodeeyey; oo geed-beeleedka Warsangali lagu darsadey.
Si kaste ha ahaato’e, marna Muxumed la Warsangaliyeyn kari maayo, oo la Hartiyeyn kari maayo, oo la Daaroodeyn kari maayo, oo dhiiggoodaan marna biyo noqon doonin, oo isirkoodaan kolna la doorin kari doonin, oo abtirsiintoodaan marna la baddali kari doonin, oo waligoodba Aadan-madoobe ayay ahaan doonaan, oo Maxamed Abokor ayay ahaan doonaan, oo Habar Jecle ayay ahaan doonaan, oo Isaaq ayay ahaan doonaan, oo Dir ayay ahaan doonaan – bi idni Allaah.
Alla ha u naxariista’e, Salaan Carabey ayaa yidhi:
¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯¯
Duunyadatan kama liidataan, daaqi geedaha’e
Iyaba waa isdoontaan hadday, kala dibboodaane
Kolay deeradiyo cawsha tahay, doqoni waa liide
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye, dunida jeedaasha.
Maxamed Sheekh Daahir
sheekhdaahir@gmail.com