Suldaankii Hore Iyo Ka Maanta
Ka salaamiyo yaab! “Sidihii nabadeeniyo suldaanki biyo raac hungura sababtaa leh”
Kuwii hore dhayal-Dhayal looma caleemo saari jirin ilaa la hubiyo layskuna raaco, waxa ka reebanaa “gacan gudhan iyo gudoon jilicsan“ waayo wuxuu go’aaminaya arimo xitaa dhiig ku jiro marka laysku raaco dhaqankiisa, alle ka cabsigiisa, daacadnimadisa dabcigiisa, dulqaadkiisa, , dadnimadisa, xalaal-cunnimadisa ayaa la caleemo saara waxay ahaayeen dad xishoodku ku weynahay oon meel walba taagnayn u tudha naftooda, diintooda,, ubadkood, ooryahooda walidkooda, dalkooda.
Waxay ahaayeen dad iimaankoodu noolyahay Hal-qabsina ka dhigta (( waan baahanahay looma bahala-cuno )) ((hubsiimo halbaa la siista )) ((hadaad waxaa eegto waxa ka sokeeyana eeg )).
weedhahaas o dhamaantood ka so bixi kara naf xasiloon oo iimanku qanjaha joogo binu-admigu wuxu ku tamariyaa kalsoonida naftiisa uu ku qabo iyo tuu ka haysto hadba cida u cumaamaday wuxu u ahaa hogaan samo-talis inta kolkaa la joogta jiilka danbana tusaale uga taga dhaxal mid diimeed iyo mid dhaqanba.
Sheekadan gaaban iga qora faan iyo beenina ka reeban waxa markhaati ka noqon doona tuduca gabayga ee ku jira Sidan ka koobiyey waalidkay iyo boqolaal kale goob-joog u ahaa dhacdadaa 1948 waanay u furantahay cidii badhitaan u gasha.
Awoowgay hooyo adeerkeed rumaad alle hawnaxariste labadoodaba wuxuu ahaa caaqil guud beel ka Mida Beelaha waaweyn ee reer somaliland waxa saamaysay da’dii o xagii socodka iyo xarakadii wuu talax gabay nasiib wanaag caqliga u fayooba.
Nin ka mid beeshii guud ee uu caaqilka u ahaa ayaa nin dilay waa wakhtigi gumeysiga o dilka wuxu saari jirey ganaax culus ama mustafuris si aan loogu dhiiran.
(( 50,000)) o rubood o lacagtii waagas ahayd ayaa lagu xukumay deedna jaahwareer bay noqotay konton kun oo waaga joogtay sida loo bixinayo.
Dooxa hargeysa ayaa mudo la fadhiyey waana lays Mari waayey sida loo qaybinayo waxa laga maarmi waayey in caaqilkii la doono iyado rarab lagu sido ayaa shirkii la keenay rarabtu wa wax dadka lagu qaadi jirey marka aanay socon karin, waxa lagu yidhi ka tali arinka, wuxuu yidhi xalaan jiifka ku qaybiyey reerki sadex meeloodbu u kala jebiyey siday isu ceshanayaan.
Wuxuu yidhi qoys walba neef ha-qalo hilibkana ha-cuno haragana ha- iikeeno haragihiba la dhoofiyey lacagtina lagu bixiyey.
Waxa ka dhashay gabayo marka beeshiisa beel kale soo maagto Beelaha kale ku Cabsi geelinyaan(( mulyuun iyo malyuun nimanka caatayn u helay maragna loo haysto ninkii macno la’aan ugu tagaw adiyo maankaga )) wuxuu ka tegey talo Loo aayey tolkiina wuxu tusay inay maroodi yihiin.
Kuwa maanta: waxaynu aragnaa ama mid ha ahaado ama koox ha-ahaadane iyago media taagan garbahana u saarantahay maro geyr-geyr leh una taagan dhaqan, dhaqanku ma marada mise waa qofka? Haday maradu dhaqankii tahay kuwani maaha kuwii qaadan lahaa waayo Isma laha dhaqanku wuxuu ka tujumayey samo-talis, xishood, dhawrsanaan, diin ku dhaqan dad jacayl, deris jacayl, dal jacayl
Odhaahdodu wa hadaanu nahay dhaqankii, hadaanu nahay reer hebel hadaan sidaa iyo sidaa layeelin walaahinan kan iyo kan.
Reerka ay magaciisa ku hadlayan awood umaysiin inay qof Magaca reerka ku caayaan ama reero kale ku caayan waayo reerka waxa ku jira umad badan o xumaha iyo samuhu u kala socanyahay raalina ka ahayn waayo dadku wa tol iyo xidid seedi iyo abti habrowadaag.
Waxa dhaba cayda nimanka saladiinta sheegta inay xitaa reero caygoodu kala guursigi yareeyeen dhacdayna kuwaa horfadhiisan mayno ee gabdh kale Dhulka u doono.
U fiirso: saf bay makarafoon u geleyaan hadalkoodu makala duwana intii kii u horeeyey ayey ku dhamaata.
Tolow sabatu wa maxay waxan ugu wacani? Anigu waxan isidhi waa (daciifnimada iimanka)sida aan kuwi hore ku sheegay way iimaan qabeen isagaana dabar u ahaa kuwanise waa lax gagabtay geedo Kama weecato. Afarta somaliyeed ee kale wax sidooda ahi ma jiro reer xamarkiba ka yaabay(hungura salfkodiyo suweyskooda istaadha) ama wa odhaahda cusub ee (igu shubo).
Afeef; qoraalkaygu uma jeedo suldaan o dhan xaasha inta sharafta leh qiyamka leh, xishoodka leh,dunta leh, alle ka cabsiga leh tolnimada leh, wadan jacaylka leh ee sharaftoodiyo ta ubadkiisa ehelkisaba ilaaliya Kuma socoto weedhaydu.
WQ: Ibraahim Aadan Cilmi Galaan “Qumaash”