Qofka Maraanka ah iyo Shaqadiisa “The Making of Moron”

Doorashadii USA reer aakhireed ayaa codeeyey oo faallo malahee, maanta Aniga oo ku dhex jira akhriskaygii joogtada ahaa, ayaa waxa iga soo hor baxay buug iga yaabiyey/qosliyey.  “The Making of Moron” waxa qoray Niall Brennan – kontomaadkii ayaa dhiganaha la qoray.

Brennan wuxuu ahaa shuuci; fahan hoose u lahaa xigmadda ku jirta qof kale inaad u noqotid shaqaale.  Buugga waxa uu ku bilaabayaa qoraagu sidatan:

Dr.  Catarinich oo maamule ka ahaa xarun lagu daryeelo dadka xiskoodu dhantaalan yahay oo ku yaalay Australia, ayaa damcay inuu raadiyo shaqooyin ay qaban karaan dadkaaas dhimirka ah ee uu cilaajka ku hayey.

Digtoorku waxa uu baadhay bilawgiiba dal kale oo masaladan hore uga gaadhay xal, dabadeedna waxa usoo baxay waagii dagaalkii koobaad ka socday Adduunka, wershad samaysa cudbiga (textile) oo ku taallay New York inay wajahday shaqaale yari, dabadeedna, afar hablood oo caqligoodu 8 jir ilaa 10 sano marayo, ayaa ay ka heleen xarun lagu daryeeli jiray dadka maraanka ah oo la odhan jiray Rome Institute.

Afartii hablood markii la geeyey shaqadii, kaalay arag sida ay uga soo dhalaalleen – waxa ay noqdeen heersare.  Waxa kale oo ay dadkii kale kaga wanaagsanadeen:  Wakhti ilaaliska, xanta iyo dabahadalka oo aysan aqoon iyo dhaganuglaan.  Warshaddii cudbiga iyo furshaanta samayn jirtay, waxa ay xaruntii lagu daryeeli jiray dadka maraanka ah, ka codsatay inay usoo diraan tiro kale oo maraan ah.

Dr. Catarinich markii uu helay xogtii Maraykanka ayuu soo indha-indheeyay dhawr warshadood oo ku yaalay Australia, kaddibna, waxa uu garwaaqsaday shaqooyinka laga hayo wershadaha badi in ay qaban karaan dadkii maraanka ahaa ee uu ku hayay xarunta dhimirka.

Dr. Catarinich waxa uu bilaabay inuu marba tiro ka tirsan maraanka uu u qaybiyo shirkadaha kala duwan.  Meelaha uu u diray shaqaale maraan ah, waxa ka mid ahaa raadyawga, halkaas oo loo bogay hawshii loo igmaday inay kasoo baxaan.

Su’aashu waxa ay tahay, haddii shaqadii dadka caadiga ah ay qabanayaan dad maraan ahi, qofka caadiga ah iyo maraanku maxaa faraq ahee u dhexeeya?  Maraan waa qof garaadkiisa lagu qiyaaso 50 ilaa 70 IQ inta u dhaxaysa.  Maraanku wuu ka garaad sareeyaa ‘imbecile’ ka oo kaas caqligiisu waa 25 – 50 inta u dhaxaysa.  Halka ‘Idiot-ka’ garaadkiisa lagu qiyaaso 0 – 25 IQ. Maraanka laftiisu aad buu uga hooseeyaa qofka caadiga ah, haddaba sidee ayaa ay maraan iyo qof caadi ah uga wada shaqayn karaan shaqo isku mid ah?

Niall Brennan – qoraaga “The Making of Moron” – waxa uu leeyahay, shaqada meesha taal ayaaba ah camalkii maraanka.  Waa shaqo laga dhexsaaray dhammaan fikirkii oo dhan, oo lagaa rabo kaliya isku beeg beeg ama isku celceli.  Lagagama baahna fikir – wax yar haddii ay qaribmaan, qof kaa sarreeya ayaad wacaysaa oo hagaajinaya – waa isku beeg beeg, bes. Halkaa waxa kasoo baxay shaqooyin la isla xombaboori jiray waagi hore, inay noqdeen camalkii dadka dhimirka ah.

Qodobka labaad ee Niall Brennan u muuqday waxa weeye, shaqada sideedaba haddii aad u gashid lacag uun, ama naf badbaadin (security) ama magac inaadan waxba dhaamin maraan, sababta oo ah caqli ahaan ma tihid “active” damiir ahaan diidmo malihid, oo nafsad ahaan dareen malihid.  Waxa kale oo u muuqday qoraaga, shaqada haddii uusan jacayl ku hayn wadisteeda, oo aadan garanahayn halka ay ku dhammaanayso, waxa ay waxyeelo gaadhsiin kartaa nafsadaada.

Niall Brennan waxa uu leeyahay marka horeba inaad qof kale shaqadiisa qabatid ayaaba nusqaan ah.  Adigu inaad shaqaysatid oo caqliga iyo cududdaba ka shaqaysiisid, Adiga oo naftaada iyo qoyskaaga u shaqaynaya ayaa ah dabiici, ayuu taagan tahay Niall Brennan.

 

Sheekadan markaan akhrinayey waxa aan xasuustay rag iyo haween masuuliyiin ah oo camalka ay qabtaan uu ka hooseeyo shaqooyinkaas ay qabtaan dadka maraanka ahi – meel walba waa ay joogaan dadkaa haya shaqadii maraanka.

Qoraaga sida aan kor ku xusay waa shuuci, Marxist-kuna waxa ay ka boodaan burjuwaasiga, lakiin waxa ay saaxiib dhaw la yihiin Oligarchy-ka. Marxists waxa ay tageeraan dawlad dhexe oo kaligeed gacan adag ku qabata illaha dhaqaalaha ee dalka, sidaasina waa sida ay rabaan baananku. Si kastaba ha ahatee, akhyaarta Marxists waan akhriyaa qoraaladooda, qoraalkan sarena wax badan waan ku tageersanahay qoraaga. Shaqada aad qof khayrkaa ah u shaqaynaysaa waa dulinimo hayeeshee, mararka qaar way kula galeysaa inaad wakhtigaaga ku beddelato qadaadiic – waa in ay ahaato kumeelgaadh.

 

WQ: Axmed Cabdi Aadan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker