Dawladda Ethiopia oo Waraan Soo Qabasho ah u Jartay Saraakiil uu ku Jiro Generaal Gabre
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in booliska Federaalka ee waddankaasi .
Ay waaran soo qabasho ah u jareen 76 sarkaal oo ka tirsan milateriga, kuwaas oo Loo haysto khiyaano qaran.
Saraakiishan oo darajooyin kala duwan leh ayaa u badan qowmiyadda Tigray, waxaana ka mid ah Jen Gabre oo si weyn looga yaqaan Gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale, Xukuumadda Itoobiya ayaa beenisay inay beegsanayso dadka rayidka ah ee deegaanka Tigray, xilli uu meel adag marayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF.
Waxaa aad u adag in xog sax ah laga helo goobaha uu dagaalka ka socdo maadaama khadadka isgaarsiinta ay wali go’an yihiin.
Hogaanka Tigray ayaa sheegay inay iska caabiyeen duulaanka, waxaana ay xukuumadda Addis Ababa ku eedeeyeen inay beegsanayso dadka rayidka ah.
Weli waxaa socda qulqulka qaxootiga ka cararaya colaadda Tigray ee gaaraya Sudan oo daris la ah dalka
Dagaalka ayaa ku qasbay kumannaan qof in ay ka qaxaan Tigrey
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka.
Billene Seyoum oo ah afhayeenka rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa beenisay wararka sheegaya in meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Itoobiya la xidh xidhayo dadka ka soo jeeda qowmiyadda Tigrey.
Balse waxay qirtay in uu jiro xadhigga xubno ka tirsan waxa ay ugu yeertay shabakad dambiilayaal ah.
Dhanka kale Ciidamada dowladda fedaraalka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen magaalooyiin muhiim ah oo ka tirsan gobolka Tigrey.
Magaalooyiinka ay militarigu qabsadeen ayaa kala yihin Shire iyo Axum.
Hogaamiyaha goboilka Tigrey Debretsion Gebremichael, oo qudhiisa ku dhashay magaalada Shire, ayaa telefishin maxali ah u xaqiijiyay in magaalooyiinkaasi ay gacanta u galeen ciidamada fedaraalka.
Balse waxaa uu guusha ciidamada dowladda ku tilmaamay mid kumeel gaadh ah.
Dowladda Sudan ayaa sheegtay in dad gaadhaya 36,000 qof oo dagaalada ka soo cararay ay soo gaadheen dalkeeda.
Qaramada Midoobey ayaa ka digeysa xaalad bina’aadanimo oo ka dhalata dagaalka ka socda gobolka Tigrey ee waqooyiga dalka Itoobiya.