Isku Aadka Tartanka Wareega Labaad Ee Ciyaaraha Gobollada Dalka.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda ayaa soo saartay isku aadka kooxaha gobollada ee sideed dhamaadka ciyaaraha gobollada Somaliland.

Iyada oo maanta oo sabti ah laga nasanayo tartankii ciyaaraha gobollada ee mudooyinkii u dambeeyey ka socday garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Staduim ayey wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland soo saartay sida ay isugu aadayaan xulalka u soo gudbay sideed dhamaadka ciyaaraha gobollada, waxaana maalinta berri ee Axada ah, marka ay saacadu tahay saddexda galabnimo ilaa afarta iyo shan iyo konton daqiiqo wada ciyaari doona xulalka gobollada Hawd iyo Badhan oo ku wada jira group E, halka Isniintana ay wada ciyaarayaan xulalka gobollada Awdal iyo Maroodi-jeex oo ku wada jira group F.

 

Sidoo kale, waxa maalinta salaasada ah wada ciyaari doona xulalka gobollada Daad-madheedh iyo Sool oo ku wada jira group G, halka ay Arbacadana wada ciyaari doonaan xulalka Gabiley iyo Xaysimo oo ku wada jira group H.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker