Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka Wada Hadlay Soo Celinta Xidhiidhkii U dhexeeyay
Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Mr. James Swan ayaa yeeshay kulan dhinaca khadka taleefoonka ah, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Wararka ay Warbaahintu heshay ayaa sheegaya in kulanka ay kaga wada hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhkii wada-shaqeyneyd
Maadaamaa Somaliland dhawaan ku dhawaaqday inay hakisay howlihii Hay’adaha QM ee dalkeed.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay inuu QM hor-dhigay shuruudo cusub oo u Oggolaanaya UN iyo hay’adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.
Todobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi ayaa Qaramada Midoobay ku Eedeysay inay Amarro ka soo qaadateen dowladda Soomaaliya, isla markaana ay doonayeen inay Somaliland ka fuliyaan mashaariic aan dan ugu jirin Somaliland.