XISBIYADA QARANKA SOMALILAND MIYAANAY HAN IYO HIMILO XAMBAARSANAYN?
Nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu ka soo koobiyaysanay wadamada reer galbeedku waxa uu u muuqdaa mid aan si dhayal ah ugu xididaysan karin Somaliland iyo guud ahaanba gayiga ay Somalidu dagto, marka la eego hab-dhaqanka siyaasiyiinta iyo sooyaalka bulshada Somalida oo ah mid ay qabyaaladdu halbeeg u tahay.
Waxa hubaal ah, in nidaamka dimuraadiga ah ee aynu Somaliland hadda ka yegleelaynaa uu la daalaadhacayo dhibaatooyinka iyo duruufaha ay qabyaaladdu beertay, ku waa soo laf-dhuungashay ku noqday hirgalinta nidaamka dimuqraadiga ah oo ku dhasan isla-xisaabtan, daah-furnaa iyo cadaalad (check and balance).
Geesta kalena wali ma muuqto calaamad iyo ifo-faale muujinaya in laga sii durkayo qabyaaladda iyo siyaasadda isbarkan ee gayigeena ku faaftay, taa soo u muuqata in ay maalinba maalinta ka denbaysa sare u sii kacayso, iyada oo sidii hore ka casriyaysan.
Waxay shacabka Somaliland ay rajo weyn ka qabeen in nidaamka axsaabta badan uu noqon doono, midkii ay kaga bixi la-haayeen qabyaaladda, kala qo-qobnaanta iyo saboòlnimada daashatay, islamarkaana ay ku gaadhi la-haayeen horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wax ku ool ah. Nasiib-darro se taasi waxay u muuqataa mid ay rajadeedu sii yaraanayso oo lagu hungoobay.
Marxaladda ay xisbiyada Somaliland hadda ku sugan yihiin, maaha mid ay shacabku u guuxayaan ama ay ku niyadsan yihiin, marka la eego hab-dhaqanka siyaasiga ah ee ay bulshada la wadaagayaan.
Marka la eego sida xisbiga talada hadda hayaa uu u surmo-seegtaynayo halka ay bulshadu ka taahayso, ama ay ka dhutinayso, sidoo kalena uu ula kacaa-kufayo masuuliyadda iyo xilka ka saaran sidii uu ummadda ugu geedi-galin lahaa guri ka barwaaqaysan kan aynu maanta ku nool yihiin.
Marka la eego sida xisbiyada mucaaradku ugu guuldaraysteen in ay bulshada u soo bandhigaan qorsheyaal cad cad oo si cilmiyaysana loogu sargooyay xaaladaha nololeed ah ee Somaliland hadda ka jira, haddii ay yihiin kuwo dhaqaale, kuwo siyaasadeed iyo kuwo bulsho, sidoo kalena ay awoodi-kari-waayeen in ay bulshadooda farta ugu fiiqaan jidkii ay gaadhi-lahaayeen, hadafka iyo himilooyinka ay ku riyoonayno.
Waxyaalaha kala ee cajaa’ibka leh ee aynu maanta arkayno waxa ka mid ah, in kuraasta hogaamineed ee xisbiyadu ay noqdeen kuwo reero u kala suntan oo aanay cid kale soo hungurayn karin kursiga uu reerku leeyahay, islamarkaana uu hankaagu ku xidhan yahay hadba sida uu jaanis uga banaan yahay booska uu reerkiinu xisbiga ku leeyahay.
Waxa taa ka sii daran seddexdii xisbi qaran ee lays-lahaa waxay noqon doonaan xisbiyo sal-balaadhan oo ay iskugu yimaadaan haldoorka iyo ninkarmeedka ay bulshadu leedahay, waxay noqdeen meel ay iska leeyihiin shaqsiyaad yar oo kooban oo aan cid-kale waxba uga ogoleyn, haddiiba ay dhacdo in cidkale ay soo hungurayso, waxa daaqadda lagaga saaraa jiqil iyo laad aan tudhaale la hayn, oo waxaynu maalin walba aragnaa nin ama koox sida fiinta uga qaylinaya warbaahinta.
Sideedaba ujeedooyinka iyo dulucda aynu xisbiyada u aas aasanay waxay ahaayeen in ay seeska u dhigaan saaxad balaadhan oo siyaasadeed, taa soo lagu carbinayo, laguna laylyayo hadba inta hibada iyo hal-abuurka siyaasiga ahi ka dhex-guuxayo, si ay bulshada ugu soo baxaan, hogaamiyeyaal han iyo himilo xambaarsan oo ka sabata-bixin kara duruufaha iyo waayaha qallafsan ee shacabkooda soo wajaha..
Xisbiyada waxa loo aas aastay waxay ahaayeen, in ay la yimaadaan mabadi’ iyo aragtiyo siyaasiya oo ay bulshada ku soo jiitaan, ku waa soo ka turjumaya xaaladaha iyo baahiyaha dhabta ah ee ay shacabku dareenayaan, halka ay maanta qabyaaladda iyo tolnimada dib ugu cilinayaan, markii ay tahli-waayeen in ay bulshada wax kale ka iibiyaan.
Waxay arrimahan iyo kuwo kale oo badaniba rajo beel ka dhigayaan hadafkii iyo ujeedii loo aas aasay axsaabta qaranka ee ahayd in lagaga guuro nidaamka beelaysiga iyo reernimada ku dhisan, loona guuro nidaam dimuqraadiya oo shuruuc iyo mabadi’i hagayso, (constitutional democratic system) kaa soo la jaanqaadi kara, nidaamyada casriga ah ee ay dunidu ku liibaantay.
Si kastaba ha ahaatee, waxa saluugga ay bulshadu muujinayso udub dhexeed u ah seddexdan arrimood:- waa midda koobaad, xisbiyada qaranku malaha qorsheyaal iyo hal-beegyo siyaasiya oo ka turjumaya xaaladda dhaqan-dhaale ee ay bulshadeennu hadda ku sugan tahay, haddii ay leeyihiinna maaha kuwo ficilkooda innoo muuqdo.
Waa midda labaade, xisbiyada dhexdooda kama jirto dimuqraadiyad iyo fur-furnaan siyaasadeed oo u gogol-xaadhi karta in ay dadka hanka lihi jaanis u helaan, sidii ay ugu loolami lahaayeen garoomada siyaasadeed ee ay xisbiyadu gadh-wadeenka ka yihiin.
Waa midda seddexaade, xisbiyada laftooda ayaa u baahan in lagu sameeyo isbadalo siyaasadeed oo dhumuc meyn, ku waa soo taabanaya madaxda sare sare ee xisbiyada iyo inta u cumaamad in ay majaraha u qabtaan hogaaminta dalka, maxaayeelay xisbi walba waxa hor fadhiya shaqsi ama koox ay bulshada isku indho bateen, islamarkaana aanay ka sugaynin in wixii ay shalay soo qabteen, barri wax ka duwan ay la iman doonaan.
Ugu denbaleyn waxaan xisbiyada kula talin lahaa in ay la yimaadaan aragti siyaasiya oo ka jawaabaysa xaaladda nololeed ee bulshadeennu hadda ku sugan tahay, sidoo kalena ay ka waantoobaan in ay qabyaalad cod ku raadsadaan.
By Cumar Axmed Cali; cumaraxmed331@gmail.com/tel: 0634244802.